1
YOOXANAA 4:24
KITAABKA QUDUUSKA AH
Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta.
قارن
اكتشف YOOXANAA 4:24
2
YOOXANAA 4:23
Laakiin saacaddii baa imanaysa, waana joogtaa imminkada, markii caabudayaasha runta ihi ay Aabbaha ku caabudi doonaan ruuxa iyo runta, waayo, Aabbuhu wuxuu doonayaa caabudayaashaas oo kale.
اكتشف YOOXANAA 4:23
3
YOOXANAA 4:14
laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah.
اكتشف YOOXANAA 4:14
4
YOOXANAA 4:10
Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Haddaad garanaysid hadiyaddii Ilaah iyo kuu yahay kan kugu leh, I waraabi, adigu waad weyddiisan lahayd isaga, oo wuxuu ku siin lahaa biyaha nool.
اكتشف YOOXANAA 4:10
5
YOOXANAA 4:34
Ciise wuxuu ku yidhi, Cuntadaydu waa inaan sameeyo doonistii kii i soo diray oo aan shuqulkiisa dhammeeyo.
اكتشف YOOXANAA 4:34
6
YOOXANAA 4:11
Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waxaad biyo ku dhaansato ma haysatid, ceelkuna wuu dheer yahay. Haddaba xaggee baad ka helaysaa biyaha nool?
اكتشف YOOXANAA 4:11
7
YOOXANAA 4:25-26
Naagtii waxay ku tidhi, Waa ogahay Masiixu inuu imanayo (kan Kiristoos la yidhaahdo); oo markuu yimaado, wax walba ayuu noo sheegi doonaa. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigoo kula hadlaya ayaa ah isaga.
اكتشف YOOXANAA 4:25-26
8
YOOXANAA 4:29
Kaalaya oo arka ninkii ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. Miyaanu kani ahayn Masiixa?
اكتشف YOOXANAA 4:29
الصفحة الرئيسية
الكتاب المقدس
خطط
فيديوهات