“Marka aad soontaan, wejigiina yeysan duruuf ka muuqanin sida labawejiilayaashu sameeyaan, waayo rafaad ayey iska muujiyaan si ey dadka u tusaan iney soomanyihiin. Runtii waxaan idin ku leeyahay, abaalgudkoodi wey heleen. Laakiin idinku marka aad soomantihiin, madaxiina saliid mariya wejigiinana dhaqa, si eysan dadku u ogaan inaad soomantihiin, laakiin Aabihiinna kaliya ee aan la arag oo arka waxa qarsoonida lagu sameeyay, wuu idiin abaalgudi doonaa.