1
MARKOS 14:36
Kitaabka Quduuska Ah
Wuxuuna yidhi, Aabbow, Aabbe, wax walbaba waad karaysaa. Koobkan iga qaad, laakiin yaanay noqon waxaan doonayo, ee waxaad doonaysid ha noqoto.
Compare
Explore MARKOS 14:36
2
MARKOS 14:38
Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ruuxu waa diyaar, laakiin jidhku waa itaal daranyahay.
Explore MARKOS 14:38
3
MARKOS 14:9
Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.
Explore MARKOS 14:9
4
MARKOS 14:34
Markaasuu ku yidhi, Naftaydu aad bay u calool xun tahay tan iyo dhimasho; halkan jooga oo soo jeeda.
Explore MARKOS 14:34
5
MARKOS 14:22
Oo intay wax cunayeen, Ciise ayaa kibis qaaday oo barakeeyey, wuuna jejebiyey oo iyaga siiyey oo yidhi, Qaata, tanu waa jidhkaygiiye.
Explore MARKOS 14:22
6
MARKOS 14:23-24
Kolkaasuu koobkii qaaday oo mahadnaqay oo siiyey iyaga, oo kulli way ka wada cabbeen. Wuxuu ku yidhi, Kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay.
Explore MARKOS 14:23-24
7
MARKOS 14:27
Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kulligiin waad iga xumaan doontaan, waayo, waxaa qoran, Adhijirkaan dili doonaa, idahuna waa kala firdhi doonaan.
Explore MARKOS 14:27
8
MARKOS 14:42
Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.
Explore MARKOS 14:42
9
MARKOS 14:30
Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Maalintan, xataa caawa, intaan diiqu laba goor ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.
Explore MARKOS 14:30
Home
Bible
Plans
Videos