YOOXANAA 6:11-12
YOOXANAA 6:11-12 SOMBIBLE
Haddaba Ciise kibistuu qaaday, oo goortuu mahad naqay ayuu u qaybiyey kuwii fadhiyey, sidaas oo kalena kalluunkii intay doonayeen. Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin.