YouVersion Logo
Search Icon

Yooxanaa 10

10
Arijirka wanaagsan iyo idihiisa
1Ciise ayaa yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay Farrisiintiyow, mid walboo aanan xerada idaha albaabka kasoo galin ee meel kale kasoo fuula, kaasi waa tuug iyo mid wax dhaca. 2Laakiin midka albaabka kasoo galaa waa arijirka idaha. 3Midka albaabka ilaaliyana albaabka ayuu ka furaa isaga, iduhuna codkiisa ayey maqlaan. Idihiisa magacyadooda ayuu ugu yeeraa oo banaanka ayuu ku hogaamiyaa. 4Markii uu kuwiisa oo dhan banaanka u soo kaxeeyo wuu hor socdaa, idihiisuna wey raacaan waayo wey garanayaan codkiisa. 5Idahana weligood qof eysan garaneyn ma raacayaan waayo codkiisa ma garanayaan, sidaa darteed wey ka cararayaan.” 6Ciise wuxuu sheekadan u sheegay Farrisiinta, laakiin iyagu ma eysan fahmin wuxuu u sheegayay.
7Sidaa darteed Ciise wuxuu yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, waxaan ahay albaabka idaha. 8Mid walboo hortey yimid waa tuug iyo mid wax dhaca, laakiin iduhu ma eysan dhageysanin iyaga. 9Waxaan ahay albaabka, mid walboo aniga xaggeyga kasoo gala wuu badbaadi doonaa. Wey soo gali doonaan oo wey bixi doonaan daaqna wey heli doonaan. 10Balse tuugu wuxuu u yimaadaa inuu wax xado oo dilo oona burburiyo. Laakiin anigu waxaan u imid si qof walba uu nolol u helo, oo ey nolol buuxdo u lahaadaan.
11 “Waxaan ahay arijirka wanaagsan. Arijirka wanaagsanna wuxuu naftiisa u bixiyaa idaha dartood. 12Kan meesha shaqada laga siiyay ma aha sida arijirka oo idana meesha kuma laha. Markii uu yeeyda oo imaaneysa arkana wuu ka cararaa idihii oo kaligood ayuu halkaas ku daayaa. Kadibna yeeydii wey weerartaa idihii oo wey kala yaacisaa. 13Shaqaaluhu wuu cararaa waayo isagu waa shaqaale oo kaliya sidaa darteed ma daryeelo idaha.
14 “Waxaan ahay arijirka wanaagsan, waan garanayaa idahayga oo iyaguna wey i garanayaan. 15Sida Aabahay ii garanayo aniguna waan garanayaa Aabahay. Nafteyda ayaan u bixinayaa idahayga. 16Waxaan leeyahay ido kale oo aan xeradan ku jirin. Iyaga waa inaan keenaa. Xitaa iyaguna wey maqli doonaan codkeyga, waxaana jiri doona hal xero ari iyo hal arijir oo kaliya. 17Sababta uu Aabahay ii jecel yahay waa anigu nafteyda ayaan bixiyaa si aan haddana u helo. 18Qofna igama qaadan karo, laakiin aniga ayaa raali ka ah inaan bixiyo. Waxaan leeyahay awood aan ku bixiyo iyo awood aan ku qaato. Amarkaasna waxaan ka helay Aabahay.”
19Haddana Yuhuuddii hadaladan maqasheyna wey kala qeybsameen. 20Badidoodu waxey yiraahdeen, “Wuxuu qabaa ruuxyo wasakh leh! Wuuna waalanyahay! Maxaan isaga u dhageysaneynaa?”
21Laakiin kuwa kalana waxey yiraahdeen, “Hadaladaan kama imaan karaan nin ruuxyo wasakh leh qaba. Ruuxyo wasakh leh miyey indho u furi karaan nin indhoole ah?”
Ciise waa la diiday
22Waxey ahayd waqtigii qabowga, Ciisana wuxuu Yeruusaalem u joogay Iiddii Daahirinta macbadka. 23Ciise wuxuu joogay macbadka wuxuuna ku socday qeybta balbalada Sulaymaan. 24Yuhuuddii halkaas joogtay ayaa isaga kusoo ag ururtay iyagoo leh, “Ilaa goorma ayaad shaki nagu sii wadi doontaa? Haddaad Masiixa tahay noo sheeg.”
25Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Waan idiin sheegay laakiin ma eydan aaminin. Shaqada aan magaca Aabahay ku sameeyo ayaa aniga ii marqaatifuraysa 26laakiin ma eydan aaminin waayo idinku ma tihiin idahayga. 27Waayo idahaygu codkeyga ayey maqlaan, waan garanayaa iyaguna wey i raacayaan. 28Waxaan iyaga siiyaa nolosha weligeed ah, weligoodna ma lumi doonaan. Qofna iyaga gacanteyda kama saari karo. 29Aabahayga iyaga i siiyay ayaa wax kasta ka awood badan. Qofna iyaga gacanta Aabahay kama saari karo. 30Aniga iyo Aabuhu waxaan nahay hal.”
31Haddana Yuhuuddii ayaa dhagaxyo qaatay si ey isaga u dhagaxeeyaan, 32laakiin Ciise ayaa iyaga ku yiri, “Waxyaalo badan oo wanaagsan oo xagga Aabahay ka yimid ayaan idin tusay. Haddaba tee ayaad igu dhagaxeyneysaan?”
33Yuhuuddiina waxey ugu jawaabeen, “Shaqada wanaagsan kuguma dhagaxeyneyno, laakiin caayda darteed waayo adiga oo binu aadan ah ayaa Illaahey iska dhigay.”
34Markaas ayaa Ciise iyaga u jawaabay oo yiri, “Soo kuma qorna sharcigiina, waxaad tihiin illaahyo. 35Haddii Illaahey ugu yeeray illaahyo, kuwa ereygiisa u yimid, qorniinka lama jabin karo. 36Sidaa darteed maxaad u leedihiin kan Aabuhu quduuska ka dhigay oo aduunka u soo diray waad caaytantay inaan iri, Waxaan ahay Wiilka Illaahey darteed? 37Haddii aanan sameynin shaqada Aabahay ha i aaminina. 38Laakiin haddii aan sameeyo shaqada Aabahay, xitaa haddii eydan aniga i aaminin aamina shaqada. Si aad u garataan oo aad u fahantaan Aabuhu inuu igu jiro oo aniguna aan isaga ku jiro.” 39Mar kale ayey isku dayeen iney isaga qabtaan laakiin wuu ka baxsaday.
40Kadibna Ciise wuxuu tagay dhinaca webi Urdun halkii Yooxanaa dadka ku baabtiisi jiray maalmihii hore, meeshaas ayuu joogay, 41markaas ayaa dad badan isaga u yimaadeen oo ku yiraahdeen, “Yooxanaa weligiis ma sameynin mucjiso laakiin waxyaalihii uu Ciise ka sheegay waa run.” 42Halkaasna dad badan ayaa Ciise ku aaminay.

Currently Selected:

Yooxanaa 10: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in