YouVersion Logo
Search Icon

Matayos 6

6
Sadaqada
1 “Iska ilaaliya inaad xaqnimadiina dadka hortooda ku sameysaan. Haddii aad sidaas sameysaan, wax abaalgud ah kama heleysaan Aabihiinna jannada ku jira.
2 “Haddaba marka aad masaakiinta sadaqo siineysaan, buun ha ugu dhawaaqina sadaqadiina, sida ey labawejiilayaashu ku sameeyaan sunagogyada iyo jidadka, si ey dadka kale u sharfaan. Runtii waxaan idin ku leeyahay abaalgudkoodi wey heleen. 3Laakiin marka aad sadaqo baxsanaysaan, ha u ogolaanina gacantiina bidix iney ogaato waxa gacantiina midig sameyneyso, 4si sadaqadiinu sir u ahaato. Kadib Aabihiinna og waxa qarsoon ayaa idiin abaalgudi doona.
Tukashada
5 “Marka aad tukaneysaanna, ha noqonina sida labawejiilayaasha, waayo waxey jecelyihiin iney ku tukadaan sunagogyada iyo meelaha jidadku iska gooyaan si ey dadku u arkaan. Runtii waxaan idin ku leeyahay, abaalgudkoodi wey heleen. 6Laakiin marka aad tukanayso, qolkaaga gal, albaabka xir oo u bari Aabahaa si qarsoodi ah. Kadib Aabahaaga arka waxa qarsoon, ayaa ku abaalmarin doona. 7Marka aad tukaneysaanna, hadalka ha ku celcelinina sida dadka aan Illaahey garaneyn sameeyaan, waayo waxey u maleeyaan in hadalkooda badan dartood lagu maqli doono. 8Iyagoo kale ha noqonina, waayo Aabihiin wuu og yahay waxa aad u baahantihiin inta eydan weydiisan ka hor.
9 “Haddaba sidaan u tukada,
“ ‘Aabaheena jannada ku jirow,
magacaagu quduus ha ahaado,
10 boqortooyadaadu ha timaado,
doonistaada dhulka ha lagu yeelo,
sida jannada loogu yeelo.
11 Na sii maanta kibis nagu filan.
12 Oo naga cafi qaamahayaga,
sida aan u cafinay kuwa noo qaamaysan.
13 Jarribaadda ha noo kaxayn,
laakiin sharka naga badbaadi, waayo boqortooyada, xoogga iyo ammaanta adiga ayaa leh weligaa. Aamiin.’
14 Haddaad cafisaan dadka kale markey idin ku qaldamaan, Aabihiinna jannada ku jirana wuu idin cafin doonaa. 15Laakiin haddii eydan dadka kale qaladaadkooda u cafinin, Aabihiinna qaladaadkiina idiin ma cafin doono.
Soonka
16 “Marka aad soontaan, wejigiina yeysan duruuf ka muuqanin sida labawejiilayaashu sameeyaan, waayo rafaad ayey iska muujiyaan si ey dadka u tusaan iney soomanyihiin. Runtii waxaan idin ku leeyahay, abaalgudkoodi wey heleen. 17Laakiin idinku marka aad soomantihiin, madaxiina saliid mariya wejigiinana dhaqa, 18si eysan dadku u ogaan inaad soomantihiin, laakiin Aabihiinna kaliya ee aan la arag oo arka waxa qarsoonida lagu sameeyay, wuu idiin abaalgudi doonaa.
Hantida jannada
19 “Hantidiina dhulka ha ku keydsanina, meesha ey cayayaanku iyo mirirku ku baabi’iyaan oo ey tuugadu soo galaan eyna xadaan. 20Laakiin hantidiina jannada ku keydsada, meesha eysan cayayaanka iyo mirirku baabi’in karin, tuugadana eysan gali karin waxna xadi karin. 21Waayo meesha ey hantidaadu jirto ayuu qalbigaagu jiri doonaa.
22 “Ishu waa ilayska jirka. Indhahaagu haddii ey caafimaad qabaan jirkaaga oo dhan ayaa iftiin lahaanaya. 23Laakiin haddii eysan indhahaagu wanaagsaneyn, jirkaaga oo dhan mugdi ayuu ahaan doonaa. Haddaba ilayska kugu dhex jira hadduu mugdi yahay, mugdigaasu sidee ayuu u weyn yahay!
24 “Ma jiro qof laba sayid u adeegi kara. Waa inuu mid nacaa kan kalana jeclaadaa, ama mid ayaad u go’aysaa kan kalana waad khiyaanaysaa. Uma wada adeegi kartid Illaahey iyo lacag.
Ha welwelina
25 “Sidaas darteed ha ka welwelina noloshiina, waxaad cuntaan, ama dhar aad gashataan. Noloshu miyeysan ka qiimo badneyn cuntada, jirkuna miyuusan ka qiimo badneyn dharka? 26Fiiriya shimbirraha samada duulaya, wax ma beertaan mana gooystaan, waxna maqsin kuma keydsadaan, haddana Aabihiinna samada ku jira wuu quudiyaa. Idinkuna miyeydaan ka qiimo badneyn shimbirraha? 27Ma jiraa mid idin ka mid ah oo welwel dartiis maalmaha noloshiisa saacad ku dari kara?
28 “Maxaadna dhar uga welweshaan? Fiiriya sida ey ubaxyada duurku u koraan. Uma shaqeeyaan iney dharkooda sameystaan. 29Laakiin waxaan idin ku leeyahay xitaa Sulaymaan oo lahaa hantidaas oo dhan uma labis qurxoonayn sida mid ka mid ah ubaxyadan oo kale. 30Haddaba haddii uu Illaahey sidaas ugu labiso caws duureedka, kaasoo maanta baxaya berrina dabka lagu tuurayo, sidaas si ka badan miyuunan idin ku labisi doonin kuwiinan iimaanka yarow? 31Haddaba ha welwelina, idinka oo leh, ‘Maxaan cuni doonnaa?’ Ama ‘Maxaan cabi doonnaa?’ Ama ‘Maxaan xiran doonnaa?’ 32Waayo dadka aan Illaahey garaneyn ayaa waxyaalahan ka welwela, Aabihiina jannada ku jiro wuu garanayaa waxaad u baahantihiin. 33Laakiin marka hore raadiya boqortooyada Illaahey iyo xaqnimadiisa, waxyaalahan oo dhan waa la idin siin doonaa. 34Sidaa darteed ha ka welwelina berri, waayo berri iyada ayaa isu welwelsan. Maalin walba waxey leedahay dhib ku filan.

Currently Selected:

Matayos 6: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in