1
BILOWGII 18:14
Kitaabka Quduuska Ah
Ma wax Rabbiga ku adag baa jira? Wakhtigii la ballamay baan kugu soo noqon doonaa, markii xilligu soo wareego, oo Saarah wiil bay dhali doontaa.
Σύγκριση
Διαβάστε BILOWGII 18:14
2
BILOWGII 18:12
Saarahna qalbigay ka qososhay, iyadoo leh, Ma anigoo gaboobay baan farxad heli doonaa, iyadoo sayidkayguna gaboobay?
Διαβάστε BILOWGII 18:12
3
BILOWGII 18:18
Maxaa yeelay, hubaal Ibraahim wuxuu noqon doonaa quruun weyn oo xoog leh, oo quruumaha dhulka oo dhammu isagay ku barakoobi doonaan?
Διαβάστε BILOWGII 18:18
4
BILOWGII 18:23-24
Oo Ibraahim baa u dhowaaday, oo yidhi, Miyaad kuwa xaqa ah la baabbi'inaysaa kuwa sharka fala? Mindhaa waxaa magaalada jooga konton xaq ah. De miyaad baabbi'inaysaa meesha oo aadan ugu tudhaynin kontonka xaqa ah ee jooga aawadood?
Διαβάστε BILOWGII 18:23-24
5
BILOWGII 18:26
Markaasaa Rabbigu yidhi, Haddaan Sodom ka helo konton qof oo xaq ah oo magaalada jooga, de markaas meeshaa oo dhan waxaan ugu tudhi doonaa iyaga daraaddood.
Διαβάστε BILOWGII 18:26
Αρχική
Αγία Γραφή
Σχέδια
Βίντεο