Luukos 24

24
Ciise wuu sarakacay
1Maalintii koowaad ee usbuuc, mar ey ahayd subaxnimo hore, ayaa haweenkii qaadeen dhirtii udgooneyd oo ey diyaariyeen waxeyna aadeen dhankii xabaasha. 2Waxey arkeen dhagaxii oo xabaasha laga qaaday, 3laakiin markey galeen, wey waayeen jirkii Sayid Ciise. 4Iyagoo arintan ka yaaban, isla markiiba laba nin oo xiran dhar iftiin nuuraya ah ayaa agtooda soo istaagay. 5Naxdin iyo cabsi darteen haweenkii dhulka ayey ku dhaceen oo wey sujuudeen, laakiin nimankii ayaa ku yiri, “Maxaad kan nool kuwa dhintay uga dhex raadineysaan? 6Halkan ma joogo, wuu sarakacay! Xasuusta wixii uu idiin sheegay markii uu Galili idin la joogay. 7‘Wiilka Aadanahu wuxuu u gacan gali doonaa dembiilayaal, waxaana lagu qodbi doonaa iskutallaabta maalinta saddexaadna wuu sarakici doonaa.’  ” 8Kadib ayey soo xasuusteen ereyadiisi.
9Markey qabriga kasoo laabteen, waxey u sheegeen waxyaalahan kow iyo tobankii ahaa xerta Ciise iyo dadka oo dhan. 10Maryantii reer Magdala, Yo’anna, Maryan Yacquub hooyadiis, iyo kuwa kale oo la socday ayaa u sheegay arintan rasuullada. 11Laakiin ma eysan aaminin dumarka hadalkooda, sababtoo ah hadalkooda wuxuu ula ekaa wax aan micno lahayn. 12Si kastaba ha ahaatee, Butros ayaa istaagay oo ku orday qabrigii. Markii uu ku dul foorarsaday, wuxuu arkay maryihii kaliya oo meesha yaala, wuuna kasoo tagay isaga oo la yaaban waxa dhacay.
Ciise oo isku muujiyay xertiisi u socotay Emma’us
13Isla maalintaas laba xertiisa ka mid ah ayaa u socday tuulo loo yaqaano Emma’us, oo toddoba mayl u jirta Yeruusaalem. 14Waxey ka sheekeysanayeen waxyaalihii dhacay. 15Iyagoo sheekadii ka wada hadlaya, Ciise ayaa yimid oo dhinac socday, 16laakiin waa laga qariyay iney gartaan.
17Wuxuu weydiiyay, “Maxaad ka sheekeysaneyseen intaad wadada socoteen?”
Wey istaageen iyagoo ka xun oo murugo ka muuqato. 18Mid iyaga ka mid ahaa oo la yiraahdo Kale’obas, ayaa weydiiyay, “Adigu ma waxaad tahay martida kaliya ee Yeruusaalem timid oo aanan ka war haynin waxyaalihii dhacay maalmahan?”
19Wuxuu weydiiyay, “Waxyaalahee?” Waxey ugu jawaabeen “Wax ku saabsan Ciisihii reer Naasared, wuxuu ahaa nebi, awood ku leh erey iyo ficil Illaahey hortiisa iyo dadka hortoodaba. 20Gudoomiyayaashii wadaaddada iyo hogaamiyayaasha ayaa gacan galiyeen si dhimasho loogu xukumo, waxeyna ku qodbeen iskutallaabta. 21Laakiin waxaan rajeyneynaa inuu noqdo midkii reer binu Israa’iil madax furan lahaa. Waxaa intaas sii dheer, waa maalintii saddexaad illaa intii ey waxan oo dhan dhaceen. 22Mida kale, qaar haweenkeena ka mid ah ayaa naga yaabiyay. Saakay ayey tageen xabaasha, 23Laakiin ma eysan ka helin jirkiisi. Wey noo yimaadeen oo waxey noo sheegeen iney arkeen malaa’ig u muuqatay, oo ku tiri wuu nool yahay. 24Kadib qaar naga mid ah ayaa tageen qabriga waxeyna ogaadeen iney tahay sidii ey haweenku sheegeen, mana eysan arkin Ciise.”
25Kadib Ciise ayaa ugu jawaabay, “Doqonsanidiinaa, maxey idin kugu adagtahay inaad rumeysataan waxyaalihii ey nebiyaashii dhaheen! 26Miyaysan ahayn in Masiixu uu u silco waxyaalahan kadibna uu galo Ammaantiisa?” 27Laga soo bilaabo Muuse iyo nebiyaashii oo dhan, wuxuu u sharaxay waxa qorniinku yiri ee isaga ku saabsan.
28Markey gaareen tuuladii ey u socdeen, Ciise horey ayuu usii socday. 29Laakiin aad ayey u baryeen, “Na la joog, waa gabal dhac, maalintii wey dhamaatay.” Markaas ayuu raacay si uu ula joogo.
30Markii uu miiska la fariistay, ayuu intuu rooti qaaday, oo uu Illaahey u mahadceliyay, ayuu kala jabiyay kadibna iyaga ayuu u qeybiyay. 31Markaas ayey indhaha u furmeen oo garteen, kadibna wuu iska qariyay aragooda. 32Waxey is weydiiyeen, “Maxaan wax u dareemi weynay markii uu wadada nagula hadlayay oo uu qorniinka noo sharaxayay?”
33Intey kaceen ayey hal mar Yeruusaalem ku soo laabteen. Halkaas ayey kula kulmeen kow iyo tobankii iyo kuwo iyaga la jooga oo meel iskugu yimid! 34Iyagoo dhahaya, “Waa run Sayidka wuu sarakacay oo wuxuu isku muujiyay simoon.” 35Kadib ayey labadoodi u sheegeen wixii wadada ka dhacay, iyo iney Ciise ku garteen markii uu rootiga kala jabiyay.
Ciise oo isku muujiyay xertiisi
36Iyagoo weli ka hadlaya wixii dhacay, isla waqtigaas waxaa dhex taagnaa Ciise oo ku yiri, “Nabad ha idin la jirto.”
37Wey argagaxeen oo isku naxeen, iyagoo u maleeyay iney arkeen ruuxaan. 38Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Maxaad u naxeysaan? Maxaase maankiina shaki u soo galay? 39Fiiriya gacmaheyga iyo lugahayga si aad u xaqiiqsataan inaan Ciise ahay! Taabta jirkayga si aad u hubisaan inaan sidiina oo kale leeyahay jir iyo laf, oo aanan ahayn ruuxaan.”
40Markii uu intaas yiri kadib wuxuu iyaga tusay gacmahiisi iyo lugahiisi si ey u xaqiijiyaan. 41Farxad iyo yaab dartood ayey la rumeysan waayeen, markaas ayuu Ciise iyagii ku yiri, “Wax la cuno ma haysaan?” 42Markaas ayey siiyeen kalluun karsan, 43wuuna cunay iyagoo arkaya.
44Wuxuuna ku yiri, “Waxaan hadda dhacaya waa waxaan idin ku iri markaan idin la joogay, waa ineyna dhab noqdaan wax walboo aniga laygaga qoray kitaabadii sharciga Muuse, kitaabada nebiyada iyo Sabuurradaba.”
45Kadibna wuxuu ku caawiyay iney fahmaan qorniinka. 46Wuxuuna ku yiri, “Kitaabka waxaa ku qoran, Masiixu waa inuu silcaa dhimashadana ka sarakacaa maalinta saddexaad, 47toobadkeenka iyo cafiska dembigana magaciisa ayaa looga wacdin doonaa quruumaha oo dhan, laga bilaabo Yeruusaalem. 48Idinkuna waa inaad ka marqaatifurtaan. 49Waxaana idiin soo diri doonaa Ruuxa Quduuska ah siduu Aabahay iga ballan qaaday, laakiin magaalada Yeruusaalem jooga illaa awood samada idin kaga timaado.”
Ciise oo samada ku laabtay
50Kadibna Ciise wuxuu u kaxeeyay xertiisi meel ku dhow Beytaniya, markaas ayuu gacmaha kor u qaaday oo barakeeyay iyagii. 51Intuu barakeynayay ayuu tagay oo kor samada loogu qaaday. 52Markaas ayey u sujuudeen, kadibna ku laabteen Yeruusaalem iyagoo faraxsan. 53Waxeyna si joogta ah u joogeen macbadka, iyagoo Illaahey ammaanaya.

Արդեն Ընտրված.

Luukos 24: EI

Ընդգծել

Կիսվել

Պատճենել

None

Ցանկանու՞մ եք պահպանել ձեր նշումները ձեր բոլոր սարքերում: Գրանցվեք կամ մուտք գործեք