1
LUUKOS 22:42
KITAABKA QUDUUSKA AH
isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto.
နှိုင်းယှဉ်
LUUKOS 22:42ရှာဖွေလေ့လာလိုက်ပါ။
2
LUUKOS 22:32
laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee.
LUUKOS 22:32ရှာဖွေလေ့လာလိုက်ပါ။
3
LUUKOS 22:19
Kibisna wuu qaaday, oo goortuu mahad naqay, ayuu kala jejebiyey, oo iyaga siiyey, isagoo leh, Tanu waa jidhkaygii laydiin bixiyey. Waxan xusuustayda u sameeya.
LUUKOS 22:19ရှာဖွေလေ့လာလိုက်ပါ။
4
LUUKOS 22:20
Sidaas oo kale cashada dabadeed koobkuu qaaday isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub oo dhiiggayga aawadiin loo daadshay
LUUKOS 22:20ရှာဖွေလေ့လာလိုက်ပါ။
5
LUUKOS 22:44
Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya.
LUUKOS 22:44ရှာဖွေလေ့လာလိုက်ပါ။
6
LUUKOS 22:26
Idinkuse sidaas ma ahaan doontaan, laakiin kan dhexdiinna ugu weyn, ha noqdo sida kan yar; kan u sarreeyaana, ha noqdo sida kan adeega.
LUUKOS 22:26ရှာဖွေလေ့လာလိုက်ပါ။
7
LUUKOS 22:34
Isaguse wuxuu ku yidhi, Waxaan kuu sheegayaa, Butrosow, maanta diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol dafirtid inaad i taqaan.
LUUKOS 22:34ရှာဖွေလေ့လာလိုက်ပါ။
ပင်မစာမျက်နှာ
သမ္မာကျမ်းစာ
အစီအစဉ်များ
ဗီဒီယိုများ