1
Yooxanaa 15:5
Ereyga Illaahey Axdiga Cusub
“Waxaan ahay geedka canabka ah idinkuna waxaad tihiin laamaha. Haddii aad igu jirtaan oo aan aniguna idin ku jiro waxaad dhaleysaan mirro badan. La’aantey waxba ma sameyn kartaan.
Compare
Explore Yooxanaa 15:5
2
Yooxanaa 15:4
Igu dhex jira si aan aniguna idiin kugu dhex jiro. Ma jirto laan canab ah oo kaligeed mirro dhasha. Waa iney ku taalaa geedka canabka ah. Sidoo kale idinkuna mirro ma dhaleysaan haddii eydan igu jirin.
Explore Yooxanaa 15:4
3
Yooxanaa 15:7
Laakiin haddii aad igu jirtaan oo aan aniguna idinku jiro, weydiista waxyaalahaad rabtaan oo dhan weyna idiin ahaaneysaa.
Explore Yooxanaa 15:7
4
Yooxanaa 15:16
Idinku ima dooranin ee aniga ayaa idin doortay oo idin diray si aad mirro u dhashaan, mirro sii jira, si wax walboo aad magaceyga ku weydiisataan Aabuhu idiin siiyo.
Explore Yooxanaa 15:16
5
Yooxanaa 15:13
Jaceyl ka weyn ma jiro, in qof noloshiisa u bixiso saaxiibadiis.
Explore Yooxanaa 15:13
6
Yooxanaa 15:2
Wuxuuna gooyaa laan walboo igu taala oo aan mirro dhaleynin, laakiin laan kastoo igu taala oo mirro dhasha wuu nadiifiyaa si ey mirro badan u bixiso.
Explore Yooxanaa 15:2
7
Yooxanaa 15:12
Amarkeygu waa, isu jeclaada sida aan anigu idiin jeclaaday.
Explore Yooxanaa 15:12
8
Yooxanaa 15:8
Haddii aad mirro badan dhashaan waxaad tihiin xerteyda runta ah. Arintaanna ammaan weyn ayey Aabahay u keeneysaa.
Explore Yooxanaa 15:8
9
Yooxanaa 15:1
“Waxaan ahay geedka canabka ah ee runta ah, Aabahayna waa beerfalaha.
Explore Yooxanaa 15:1
10
Yooxanaa 15:6
Haddii eydan aniga igu jirin, waxaad noqoneysaan sida laan la tuuray oo qalashay, laamahaas oo kale waa la qaadaa oo lagu tuuraa dabka weyna gubtaan.
Explore Yooxanaa 15:6
11
Yooxanaa 15:11
Waxaan waxyaalahan idiin kugu sheegay waa in farxadeydu idinku jirto oo farxadiinuna buuxsanto.
Explore Yooxanaa 15:11
12
Yooxanaa 15:10
Haddii aad amarkeyga xajisaan waxaad ku jiri doontaan jaceylkeyga. Sidii aan anigu u xajiyay amarka Aabahay, oo aan ugu jiray jaceylkiisa.
Explore Yooxanaa 15:10
13
Yooxanaa 15:17
Kani waa amarkeyga, is jeclaada.
Explore Yooxanaa 15:17
14
Yooxanaa 15:19
Haddii aad kuwa aduunka ahaan lahaydeen, kuweeda oo kale ayey idiin jeclaan lahaayeen. Laakiin kuwa aduunka ma tihiin, aniga ayaa idin ka dhex doortay aduunka. Sidaa darteed ayey dunidu idiin nici doontaa.
Explore Yooxanaa 15:19
Home
Bible
Plans
Videos