14
Ciise oo xertiisa qalbiga u qaboojinaya
1 “Qalbigiinu yuusan murugoonin. Waad aaminsan tihiin Illaahey ee anigana sidoo kale i aamina. 2Guriga Aabahay qolal badan ayuu leeyahay, haddii eysan sidaas ahayn miyaan idin dhihi lahaa waan tagayaa oo meel ayaan idiin sii diyaarinayaa? 3Haddii aan tago oo aan meel idiin sii diyaariyo, waan soo laaban doonaa oo idinkana xaggeyga ayaan idiin qaadi doonaa. Si meesha aan joogo idinkuna aad iila joogtaan. 4Waad garaneysaan jidka loo maro halka aan u socdo.”
Ciise waa jidka loo maro Aabaha
5Markaas ayaa Toomas Ciise ku yiri, “Sayidow, ma garaneyno halka aad u socotid, sidee ayaan u garan karnaa jidka?”
6Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waxaan ahay jidka, runta iyo nolosha. Qofna Aabaha uma imaan karo haddii uusan aniga ii soo marin. 7Runtii haddii aad aniga i garaneysid Aabaheyna waad garaneysaa. Hadda laga bilaabo waad garaneysaan isaga oo xitaa waad aragteen.”
8Markaas ayaa Filibos yiri, “Sayidow, bal na tus Aabaha waanna ku qanci doonnaa.”
9Ciise ayaa ku jawaabay, “Filibos miyaadan aniga i garaneyn? Xitaa waqtigan badan ayaan idin la joogay weli ma i garaneysid miyaa? Mid walboo aniga i arkay wuu arkay Aabaha. Sidee ayaad ku dhihi kartaa, ‘Na tus Aabaha’? 10Miyaadan aaminsaneyn inaan Aabaha ku jiro oo Aabuhuna igu jiro? Hadaladaan idin kula hadlayo aniga igama imaanin, laakiin Aabaha aniga igu dhex nool ayaa iga dhex shaqeeya. 11Balse i aamin haddaan kugu iraahdo anigu waxaan ku jiraa Aabaha oo Aabuhuna wuu igu dhex jiraa. Ama igu aamin shaqada aad aragtay aniga oo sameynaya. 12Runtii waxaan idin ku leeyahay, mid walboo aniga i aaminsan wuxuu sameynayaa shaqadii aan sameyn jiray. Xitaa waxyaalo kuwaas ka waaweyn ayuu sameyn doonaa waayo waxaan u socdaa Aabahay. 13Wax walboo aad magaceyga ku weydiisataanna waan sameyn doonaa. Si Aabuhu ugu ammaanmo Wiilka. 14Wax walboo aad magaceyga igu weydiisataanna waan sameyn doonaa.
Ciise wuxuu ballan qaaday Ruuxa Quduuska ah
15 “Haddii aad i jeceshihiin amarkeyga xajiya. 16Aniguna waxaan Aabahay weydiin doonaa gargaare kale oo idin caawiya oona weligiin idin la joogi doona. 17Ruuxa runta ah dunidu ma aqbali karto, waayo ma garaneyso mana arkayso. Laakiin idinku waad garaneysaan, waayo wuu idin la nool yahay wuuna idin la joogi doonaa. 18Idin kagama tagi doono sida agoomo ee waan idiin imaan doonaa. 19In yar kadib dunidu ima arki doonto, laakiin idinku waad i arki doontaan. Waayo waan noolahay oo idinkuna waad noolaan doontaan. 20Maalintaas ayaad ogaan doontaan inaan ku dhex jiro Aabahay, oo idinkuna igu dhex jirtaan oo aan aniguna idinku dhex jiro. 21Mid walboo amarkeyga haysta oona xajiya kaas ayaa aniga i jecel. Kan aniga i jecel Aabaheyna wuu jeclaan doonaa isaga, anigu xitaa waan jeclaan doonaa oo waan isku muujin doonaa.”
22Kadibna Yuudas (Kaasoo aan ahayn Yuudas Iskariyod) ayaa yiri, “Sayidow, laakiin maxaad anaga isku keen tuseysaa oo aadan aduunka isu tuseynin?”
23Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Mid walboo aniga i jecel wuxuu adeeci doonaa waxbarideyda. Aabaheyna wuu jeclaan doonaa isaga, waanna u imaan doonnaa oo waan la joogi doonnaa. 24Mid walboo aan aniga i jecleyn ma xajin doono waxbarideyda. Hadaladan aad maqlaysaan aniga igama imaanin, waxey ka yimaadeen Aabaha isoo diray.
25 “Waxyaalahan oo dhan waxaan ku hadlay aniga oo idin la jooga. 26Laakiin gargaaraha Ruuxa Quduuska ah, kaasoo Aabuhu magaceyga kusoo diri doono ayaa idin bari doona wax walboona idin xusuusin doona wax walboo aan anigu idiin sheegay. 27Nabad ayaan idiin kaga tagay, nabadeyda aan idin siiyay, idiin ma siin sida aduunku u siiyo. Qalbiyadiinu yeysan murugoonin hana cabsanina.
28 “Waad maqasheen aniga oo dhahaya, ‘Waan tagayaa laakiin waan idiin soo laaban doonaa.’ Haddaad i jeclaataan waad ku farxi doontaan marka aan Aabaha u tagayo, waayo Aabuhu wuu iga weyn yahay. 29Haddaba waxaan waxyaalahan idiin sheegay iyagoo aan dhicin ka hor, si aad markey dhacaan u aamintaan. 30Waqti dheer ma idin la sii hadli doono, waayo kii dunidan xukumayay wuu soo socdaa. Laakiin ma iga xoog badna, 31wuxuuna u imaanayaa si dunidu u garato inaan jeclahay Aabahay oo aan sameeyo wixii Aabahay igu amray.
“Haddaba soo baxa aan tagnee.