YouVersion Logo
Search Icon

Yooxanaa 15

15
Geedka canabka ah iyo laamaha
1 “Waxaan ahay geedka canabka ah ee runta ah, Aabahayna waa beerfalaha. 2Wuxuuna gooyaa laan walboo igu taala oo aan mirro dhaleynin, laakiin laan kastoo igu taala oo mirro dhasha wuu nadiifiyaa si ey mirro badan u bixiso. 3Idinku waxaad ku nadiifsantihiin ereyga aan idin kula hadlay dartiis. 4Igu dhex jira si aan aniguna idiin kugu dhex jiro. Ma jirto laan canab ah oo kaligeed mirro dhasha. Waa iney ku taalaa geedka canabka ah. Sidoo kale idinkuna mirro ma dhaleysaan haddii eydan igu jirin.
5 “Waxaan ahay geedka canabka ah idinkuna waxaad tihiin laamaha. Haddii aad igu jirtaan oo aan aniguna idin ku jiro waxaad dhaleysaan mirro badan. La’aantey waxba ma sameyn kartaan. 6Haddii eydan aniga igu jirin, waxaad noqoneysaan sida laan la tuuray oo qalashay, laamahaas oo kale waa la qaadaa oo lagu tuuraa dabka weyna gubtaan. 7Laakiin haddii aad igu jirtaan oo aan aniguna idinku jiro, weydiista waxyaalahaad rabtaan oo dhan weyna idiin ahaaneysaa. 8Haddii aad mirro badan dhashaan waxaad tihiin xerteyda runta ah. Arintaanna ammaan weyn ayey Aabahay u keeneysaa.
9 “Sida Aabuhu ii jeclaaday ayaan aniguna idiin jeclaaday. Haddaba ku jira jeceylkeyga. 10Haddii aad amarkeyga xajisaan waxaad ku jiri doontaan jaceylkeyga. Sidii aan anigu u xajiyay amarka Aabahay, oo aan ugu jiray jaceylkiisa. 11Waxaan waxyaalahan idiin kugu sheegay waa in farxadeydu idinku jirto oo farxadiinuna buuxsanto. 12Amarkeygu waa, isu jeclaada sida aan anigu idiin jeclaaday. 13Jaceyl ka weyn ma jiro, in qof noloshiisa u bixiso saaxiibadiis. 14Haddii aad sameysaan waxyaalihii aan idin ku amray waxaad tihiin saaxiibadey. 15Ma idin kugu yeerayo adeegayaal, waayo adeeguhu ma garanayo shaqada sayidkiisa. Haddaba waxaad tihiin saaxiibadey, waayo waxyaalihii aan Aabahay ka bartay oo dhan waan idiin sheegay. 16Idinku ima dooranin ee aniga ayaa idin doortay oo idin diray si aad mirro u dhashaan, mirro sii jira, si wax walboo aad magaceyga ku weydiisataan Aabuhu idiin siiyo. 17Kani waa amarkeyga, is jeclaada.
Dunidu wey necebtahay xerta Ciise
18 “Haddii aduunka la idin ka naco, xasuusta aniga ayey hortiin i naceen. 19Haddii aad kuwa aduunka ahaan lahaydeen, kuweeda oo kale ayey idiin jeclaan lahaayeen. Laakiin kuwa aduunka ma tihiin, aniga ayaa idin ka dhex doortay aduunka. Sidaa darteed ayey dunidu idiin nici doontaa. 20Balse xasuusta waxaan idin ku iri, ‘Adeeguhu kama weyna sayidkiisa.’ Haddii ey aniga i silciyaan idinkana waa la idin silcin doonaa. Haddii ey waxbarideyda adeeceen idinkana waxbaridiina wey adeeci doonaan. 21Waxey sidaas idin kula dhaqmi doonaan waa magaceyga dartiis, waayo ma garanayaan kan isoo diray. 22Haddii aanan imaanin oo aanan iyaga la hadlin dembi ma lahaan laheyn, laakiin hadda dembigooda cududaar uma hayaan. 23Mid walboo aniga i naca wuxuu sidoo kale nacay Aabahay. 24Haddii aanan ka sameyn lahayn calaamada mucjisooyin ah dhexdooda oo uusan qof kale sameyn karin, eed kuma eysan lahaadeen dembi. Laakiin wey arkeen oo weyna naceen aniga iyo Aabahayba. 25Laakiin tani waxey oofineysaa waxyaalihii lagu qoray sharciga Muuse, ‘Sabab la’aan ayey igu naceen.’
Shaqada Ruuxa Quduuska ah
26 “Markii uu gargaaruhu yimaado, kan Ruuxa runta ah ee aan idin kaga soo diri doono dhinaca Aabahay, wuu ii marqaatifuri doonaa. 27Idinkuna sidoo kale waa inaad ii marqaatifurtaan waayo waan idin la jiray illaa bilowgii.

Currently Selected:

Yooxanaa 15: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in