Yooxanaa Hordhac

Hordhac
Wey ka muuqataa aayadda ugu horeysa in injiilkan ka duwan yahay saddexda injiil ee kale. Mucjisooyinka Ciise waxaa loogu yeeraa calaamado. Ciise kama hadlayo boqortooyada laakiin wuxuu ka hadlayaa nolosha weligeed ah. Wax tusaalayaal ah kuma jiraan laakiin dhowr wacdi oo dhaadheer oo adag kuwaas oo badanaa ku xiriirsan mid ka mid ah calaamadaha. Haddaba markii uu Ciise bogsiiyo ninkii indhaha la’aa wuxuu isku magacaabayaa iftiinka aduunka. Waxyaalahan aan sheegayo waxey gaar u tahay injiilkan, waqtiyadii Ciise la arkay sarakicidiisa kadibna sidoo kale waxey qaas u tahay injiilkan.
Yooxanaa wuxuu buuggan ku bilaabay isaga oo ereyo kasoo qaadanaya baybalka, Bilowgii Taas oo tuseysa akhristayaashiisa sheekadan iney tahay sheeko ku saabsan abuur cusub. Sida abuurkii hore loogu dhameeyay toddobo maalmood, Yooxanaana wuxuu isticmaalay nambar toddoba inuu sheekadiisa ku dhiso. Waayo Yuhuudda xaggooda nambar toddoba wuxuu u taagan yahay dhammeystirnaan iyo kaamilnimo, shaqada Illaahey oo dhameystiran taas oo muujineysa ujeedada uu aduunka ka lahaa.
Sheekada waxaa lagu sheegay laba qeyb oo waaweyn. Qeybta hore waxey sharaxeysaa shaqadii uu Ciise dad weynaha ka dhex qabanayay waxeyna leedahay toddobo qeybood. Qeyb walbana waxey ku dhamaataa warbixinta sida ey dadku u qaateen Ciise, iney aamineen ama iney aamini waayeen. Qeybta labaad ee ugu weyn waa, maalmihii usbuuc ugu dambeeyay ee Iidda Kormaridda, markii uu Ciise noloshiisa u bixiyay aduunka.
Yooxanaa wuxuu qoray toddoba dhacdo oo uu Ciise muujinayay qofka uu yahay isaga oo isticmaalaya ereyga Aniga, magacii uu Illaahey isku muujiyay mar hore. Sidoo kale Yooxanaa wuxuu qoray toddobo mucjisooyin oo uu Ciise sameeyay. Sheekada Yooxanaa laba mar ayey sheegtaa sarakicidda Ciise, Maalinta ugu horeysa ee usbuuc. Taas oo muujineysa in xoogga abuurka cusub la keenay dunidan.

Šiuo metu pasirinkta:

Yooxanaa Hordhac: EI

Paryškinti

Dalintis

Kopijuoti

None

Norite, kad paryškinimai būtų įrašyti visuose jūsų įrenginiuose? Prisijunkite arba registruokitės