4
Ciise oo la hadlay naag reer Samaariya ah
1Ciise wuxuu ogaaday in Farrisiinta ey maqleen inuu xerta Yooxanaa xer ka badan helayay uuna baabtiisayay. 2Laakiin runtu waxey ahayd in xerta Ciise ey dadka baabtiisayeen ee uusan Ciise aheyn. 3Markaas ayuu ka tagay Yahuudiya oo mar kale aaday Galili.
4Waxeyna ahayd inuu Samaariya sii dhex maro. 5Wuxuuna yimid magaalo Samaariya ku taala oo la yiraahdo Sukhar, waxey u dhaweyd dhulkii uu Yacquub siiyay wiilkiisa Yuusuf. 6Halkaas ceelkii Yacquub ayaa ku yaalay, Ciisana aad ayuu u daalanaa markaas ayuu meeshii ceelka ku yaalay fariistay. Waxaana la joogay duhuradii.
7Markaas ayaa naag reer Samaariya ah ceelkii timaaday oo waxey rabtay iney biyo ka dhaansato, markaas ayaa Ciise ku yiri, “Fadlan biyo ma isiin kartaa?” 8Waqtigaas xertiisi waxey tageen magaalada oo waxey dooneen cunto.
9Markaas ayaa naagtii reer Samaariya waxey Ciise ku tiri, “Waxaan ahay naag reer Samaariya ah, adiguna waxaad tahay nin Yuhuudi ah. Sidee ayaad biyo ii weydiisan kartaa?” Waayo Yuhuudda iyo reer Samaariya xiriir kama dhaxeeyo.
10Ciise ayaa ugu jawaabay, “Haddaad ogaan lahayd hadiyada Illaahey iyo kan biyaha ku weydiisanaya, isaga ayaad weydiisan lahayd wuxuuna ku siin lahaa biyaha nool.”
11Naagtii ayaa tiri, “Mudane, ma haysatid weel aad ku darsatid ceelkuna aad ayuu u dheer yahay. Halkeed ka heli kartaa biyahan nool? 12Miyaad ka weyn tahay awoowgeen Yacquub, kaasoo na siiyay ceel uu isagu xitaa ka cabay. Sidoo kale wiilashiisa iyo xoolahooduna ka cabeen?”
13Markaas ayaa Ciise ugu jawaabey, “Mid walboo biyahan caba wuu oomi doonaa, 14laakiin mid walboo caba biyaha aan isaga siiyo weligiis ma oomi doono. Biyaha aan siin doono waa sida il biyo durduraya illaa iyo nolosha weligeed ah.”
15Naagtii ayaa ku tiri, “Mudane, isii biyahaas si aanan mar dambe u haraadin oo aanan ceelkan ugu soo laaban.”
16Ciise ayaa ku yiri, “Tag oo ninkaagi u soo yeer kadibna soo laabo.”
17Markaas ayey Ciise ugu jawaabtay, “Anigu nin ma lihi.”
Ciisana wuxuu ku yiri, “Waa runtaa nin ma lihid. 18Runtu waxey tahay, waxaad soo martay shan nin, kan aad hadda haysatidna adigu ma lihid. Waxaad sheegtay run.”
19Naagtii ayaa tiri, “Mudane, waan gartay inaad tahay nebi. 20Awoowayaasheen buurtan ayey ku cibaadeysan jireen, laakiin idinkan Yuhuudda ah waxaad tiraahdaan waxaan ku qasbannahay inaan ku cibaadeysano Yeruusaalem.”
21Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Naag yahay i aamin, waxaa imaan doona waqti aan Aabaha lagu caabudi doonin buurta ama Yeruusaalem. 22Idinkan reer Samaariya ah waxaad caabudaan wax eydan garaneyn, anaguse waxaan caabudnaa Illaah aan garaneyno, waayo badbaadidu waxey ka timaaday Yuhuudda. 23Laakiin waqti ayaa imaanaya waana la gaaray marka kuwa Illaahey sida runta ah u caabuda ey Illaahey ku caabudi doonaan Ruuxa iyo runta. Waayo caabudayaal sidaas oo kale ah ayuu Aabuhu doonayaa. 24Waayo Illaahey waa ruux oo kuwa isaga caabudana waa iney ku caabudaan Ruuxa iyo runta.”
25Naagtii ayaa tiri, “Waan ogahay in Masiixa kan la yiraahdo Kiristos uu imaanayo. Markii uu yimaadana isaga ayaa wax walba noo kala sheegi doona.”
26Markaas ayaa Ciise naagtii ku yiri, “Anigan kula hadlaya ayaa ah Masiixa.”
Xertii ayaa u soo laabtay Ciise
27Markii xertiisa kasoo laabteen magaalada ayey waxey la kulmeen Ciise oo naagtii la hadlaya. Laakiin qofna ma uusan weydiinin, “Maxaad rabtaa? Mise maxaad ula hadleysaa?”
28Naagtiina intey ashuunkeedi halkaas ku dhaaftay ayey magaalada ku oroday si ey dadka ugu soo sheegto arinta ey la kulantay, waxeyna dadka ku dhahday, 29“War kaalaya oo arka ninka ii sheegay waxyaalaha aan sameeyay oo dhan. Miyuu noqon karaa Masiixa?” 30Markaas ayaa dadkii magaalada joogay tageen halkii Ciise joogay.
31Xertiina waxey ka baryayeen Ciise inuu wax cuno iyagoo leh, “Macalinow, fadlan wax cun.”
32Laakiin Ciise ayaa iyaga ku yiri, “Waxaan haystaa cunto aan cuno oo aadan idinku waxba ka ogayn.”
33Markaas ayaa xertiisi is weydiiyeen, “Ma qof ayaa cunto u keenay?”
34Ciise ayaa yiri, “Cuntadeydu waa inaan sameeyo doonista kan isoo diray, waa inaan shaqadiisa dhameeyo. 35Miyeydan ogayn oraahda dhaheysa, ‘Afar bil ayaa ka dhiman waqtiga gurashada.’ Laakiin waxaan idin ku leeyahay indhihiina fura oo beerta fiiriya! Waqtigii gurashada waa la gaaray. 36Haddaba hadda shaqaalaha beerta gooya waxey abaalgudkooda ku helayaan iney ku hogaamiyaan dadka nolosha weligeed ah. Markaasna mid walboo miraha abuuray iyo mid walboo miraha ururiyay wey isla dabaaldegi doonaan. 37Waana run maahmaahda dhaheysa, ‘Mid ayaa abuura mid kalana wuu gooyaa.’ 38Waxaan idiin dirayaa inaad soo gooysaan wax eydan beeran oo kuwa kale kasoo shaqeeyeen idinkuna faa’iidada ayaad heleysaan.”
Dad badan oo reer Samaariya ah ayaa aaminay
39Dad badan oo magaalada Samaariya ka yimid ayaa aaminay marqaatifurkii naagta darteed, waayo naagta waxey tiri, “Wuxuu ii sheegay waxyaalaha aan sameeyay oo dhan.” 40Haddaba dadkii reer Samaariya markey Ciise u yimaadeen waxey ka baryeen inuu iyaga la sii joogo, wuxuuna la joogay laba maalin. 41Hadaladiisi dartoodna kuwa kale oo badan ayaa isaga aaminay.
42Markaas ayaa dadkii naagtii ku yiraahdeen, “Ciise kuma aanan aaminin waxaad tiri darteed, laakiin anaga ayaa dhegaheena ku maqalnay, waana ogaanay runtii ninkan inuu yahay badbaadiyaha aduunka.”
Ciise wuxuu bogsiiyay nin taliye ah wiilkiisa
43Labadii maalmood uu la joogay dadkii reer Samaariya kadib Ciise wuxuu u laabtay Galili. 44(Ciise wuxuu yiri, nebiyada magaaladooda lagama xushmeenaya.) 45Ciise markii uu yimaaday Galili, dadkii reer Galili aad ayey u soo dhaweeyeen. Waayo waxey arkeen waxyaalihii uu Yeruusaalem ku sameeyay waqtigii Iidda Kormaridda, waayo halkaas ayey joogeen.
46Ciise haddana wuxuu tagay Kaana oo Galili ku taalay, halkii uu biyaha ku badalay khamriga. Meeshaas waxaa joogay nin taliye ah oo wiilkiisa ku xanuusanaa Kafarna’um. 47Markaas ayaa ninkii taliyaha ahaa maqlay inuu Ciise ka yimid Yahuudiya oo hadda joogo Galili, wuu u tagay oo ka baryay inuu yimaado oo bogsiiyo wiilkiisa. Kaasoo xanuun dartiis u dhiman rabay.
48Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Idinku illaa aad ka aragtaan mucjisooyin iyo wax yaabab leh ma aamineysaan.”
49Ninkii taliyaha ahaa ayaa yiri, “Sayidow, fadlan kaalay inta uusan wiilkeyga dhiman ka hor.”
50Ciisana wuxuu ku yiri, “Guriga tag waayo wiilkaagi wuu noolaanayaa.”
Ninkii wuu aaminay Ciise hadalkiisi, kadibna gurigiisi ayuu aaday. 51Isaga oo weli dhex sii socda ayaa adeegahiisi la kulmeen markaas ayey ku yiraahdeen, wiilkaagi wuu nool yahay. 52Markaas ayuu weydiiyay goorma ayuu bogsaday? Markaas ayey ugu jawaabeen, “Qandhadii waxey ka tagtay shaley duhurkii.”
53Wiilkii xanuusanaa aabihiis ayaa ogaaday waqtigaas inuu yahay isla waqtigii uu Ciise isaga ku yiri, “Wiilkaaga wuu noolaanayaa.” Isaga iyo reerkiisi oo dhan ayaa wada aaminay.
54Tani waxey ahayd markii labaad oo Ciise mucjiso sameeyay markii uu ka tagay Yahuudiya oo yimaaday Galili.