6
Ciise wuxuu cunto siiyay shan kun oo qof
1Xoogaa kadib Ciise wuxuu kasoo gudbay warta Galili taas oo la yiraahdo Tiberiyas. 2Dad badan ayaa isaga soo raacay waayo waxey arkeen mucjisooyinkii uu sameeyay goortii uu dadkii xanuusanaa bogsiinayay. 3Kadib Ciise iyo xertiisi ayaa waxey tageen dhinaca buurta oo halkaas ayey fariisteen. 4Iiddii Kormaridda ee Yuhuuddana wey soo dhaweyd.
5Markii uu Ciise arkay dad badan iney isaga u soo socdaan ayuu Filibos ku yiri, “Halkeen ka iibsanaa kibis ey dadkan cunaan?” 6Wuxuu u weydiiyay si uu isaga u jarribo, waayo wuu ogaa wuxuu sameyn doono.
7Markaas ayaa Filibos ugu jawaabay, “Taasi waxey qaadaneysaa in ka badan mushaharka sanad barkiis inaan helno lacag aan dadkan ugu iibino cunto ku filan!”
8Mid xertii ka tirsanaa oo ah Andaros oo Simoon Butros walaalkiis ahaa ayaa yiri, 9“Halkan waxaa jooga wiil yar oo haya shan kibis oo yar yar iyo laba kalluun oo yar yar laakiin sidee ayey ugu filnaan kartaa dadkan badan?”
10Markaas ayaa Ciise yiri, “Dadka fariisiya.” Halkaas waxey ahayd meel caws badan leh oo dadkiina wey fariisteen, waxey ahaayeen dad ku dhaw shan kun oo qof. 11Kadibna Ciise intuu kibistii qaaday ayuu mahadceliyay, wuxuuna u qeybiyay dadkii fadhiyay. Sidoo kale ayuu ku sameeyay kalluunkiina.
12Markey iyagoo dhan dhergeen ayuu Ciise ku yiri xertiisi, “ururiya wixii harey si eysan u halaabin.” 13Markaas ayaa xertii ururiyeen oo ey buuxiyeen laba iyo toban dambiilood oo jajabkii kasoo haray shanta kibis.
14Dadkii markey arkeen mucjisadii uu Ciise sameeyay waxey bilaabeen iney dhahaan, “Runtii kani waa nebigii aduunka imaan lahaa.” 15Ciise markii uu ogaaday iney qasab uga dhigi rabaan boqor, ayuu ka tagay oo aaday dhinaca buurta isaga oo kaligiis ah.
Ciise wuxuu ku kor socday biyo
16Galabtii markii la gaaray ayaa xertiisi tageen dhinaca warta. 17Halkaasna doon ayey ka qaateen oo waxey tageen Kafarna’um. Laakiin Ciise weli ma uusan u imaanin iyaga. 18Dabeyl xoog leh ayaa dhaceysay oo biyihii kicineysay. 19Haddaba markey doontii wadeen qiyaastii saddex ama afar mayl ayey waxey arkeen Ciise oo u soo socda doontii isaga oo biyaha kor socday, aad ayey iskugu naxeen. 20Laakiin wuxuu ku yiri, “Waa anigee ha cabsanina.” 21Kadib xertii waxey rabeen iney doonta ku qaadaan laakiin isla markiiba waxey gaareen xeebta oo ah halkii ey u socdeen.
22Maalintii ku xigtay dadkii dhinaca kale ee warta joogay ayaa waxey ogaadeen hal doon iney halkaas taalay, oo Ciisana uusan xertiisi la galin doonta kaligoodna ey tageen. 23Kadib waxaa Tiberiyas ka yimaaday doomo oo kusoo xirtay meel u dhaw halkii dadku ku cuneen kibistii markii uu Rabbiga u mahadceliyay kadib. 24Dadkii badnaa markey Ciise iyo xertiisi meeshii ka waayeen ayey doontii u laabteen oo ey tageen Kafarna’um iyagoo Ciise doonaya.
Ciise waa kibista nolosha
25Markey ku arkeen dhinaca kale ee warta, waxey ku yiraahdeen, “Macalinow, goormaad halkan timid?”
26Ciise ayaa ugu jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, waxaad ii raadineysaan ma aha mucjisadaad aragteen darteed, laakiin waa cuntadii aad cunteen oo caloosha idiin buuxisay. 27Ha u shaqeynina cunto halaabeysa, laakiin u shaqeysta cunto idin siisa nolosha weligeed ah. Taas oo Wiilka Aadanahu idin siin doono. Waayo isaga Illaaha Aabaha ah ayaa saaray shaabadiisa ogolaashahay.”
28Markaas ayey Ciise weydiiyeen, “Waa maxey wuxuu Illaahey rabo inaan sameyno?”
29Ciise ayaa ugu jawaabay, “Shaqada Illaahey waa tan, wuxuu rabaa inaad aamintaan kan uu isaga soo diray.”
30Markaas ayey haddana weydiiyeen, “Mucjisadeed sameyn doontaa si aan kuu aaminno? Maxaad sameyn doontaa? 31Waayo awoowayaasheen waxey cidlada ku cuneen maannada, sida qoran, ‘Wuxuu samada ka siiyay kibis ey cunaan.’ ”
32Ciise ayaa iyaga ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay ma ahayn Muuse kan kibista samada idin ka siiyay, laakiin waa Aabahay kan kibista runta ah jannada idin ka siiyay. 33Maxaa yeelay kibista Illaahey waa tan ka timid jannada oo nolol aduunka siisa.”
34Markaas ayey yiraahdeen, “Rabbiyow, mar walba na sii kibistaan.”
35Ciisana wuxuu yiri, “Waxaan ahay kibista nolosha. Mid walboo ii yimaada weligiis ma gaajoon doono, mid walboo i aaminana weligiis ma haraadi doono. 36Laakiin sidii aan mar hore idiin kugu sheegay, waad i aragteen laakiin weli ma eydan i aaminin. 37Kuwa uu Aabuhu i siiyay wey ii imaan doonaan, mid walboo ii yimaadana weligay kama jeesan doono. 38Waayo waxaan samada uga imid ma ahayn inaan sameeyo doonisteyda laakiin waxaan u imid inaan sameeyo doonista kan isoo diray. 39Tanina waa doonista kan isoo diray, in aanan luminin mid walboo uu isagu i siiyay, laakiin inaan iyaga soo sarakiciyo maalinta ugu dambeysa. 40Waayo doonista Aabahay waa mid walboo Wiilka arka oo aamina inuu lahaado nolosha weligeed ah. Maalinta ugu dambeysana waan soo sarakicin doonaa.”
41Dadkii Yuhuudda ahaa ayaa bilaabeen iney gunuunacaan waayo Ciise wuxuu yiri, “Waxaan ahay kibista ka timid jannada.” 42Waxeyna yiraahdeen, “Kan soo ma aha Ciise, ina Yuusuf, kan aan aabihiis iyo hooyadiis naqaano? Sidee ayey ku dhacday inuu yiraahdo, ‘Waxaan ka imid jannada’?”
43Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Waxba dhexdiina ha ka gunuunicina, 44waayo qofna iima imaan karo haddii uusan Aabaha isoo diray iyaga igu soo hogaamin, aniguna waan sarakicin doonaa maalinta ugu dambeysa. 45Waxaa ku qoran kitaabka nebiyada, ‘Iyagoo dhan Illaahey ayaa wax bari doona.’ Qof walboo Aabaha maqla oo waxna ka barta aniga ayuu ii imaan doonaa. 46Qofna weligiis ma arkin Aabaha waxaanan ka ahayn kan dhinaca Illaahey ka yimid, kaas kaliya ayaa Aabaha arkay. 47Runtii waxaan idin ku leeyahay, kii aamina wuxuu helayaa nolosha weligeed ah. 48Waxaan ahay kibista nolosha. 49Awoowayaashiin cidlada waxey ku cuneen maannada laakiin wey dhinteen. 50Laakiin halkan waxaa yaala kibis ka timid jannada, taas oo qof walba uu cuni karo oo uusan dhimaneyn. 51Waxaan ahay kibista nool ee ka timid jannada. Mid walboo kibistaan cuna weligiis ayuu noolaan doonaa. Kimistan waa jirkeygi, kaasoo aan nolosha aduunka darteed u bixin doono.”
52Yuhuuddii waxey bilaabeen iney dhexdooda ka doodaan, markaas ayey is weydiiyeen, “Sidee ayey ku dhici kartaa ninkan inuu na siiyo jirkiisa si aan u cuno?”
53Markaas ayaa Ciise iyaga ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, illaa aad ka cuntaan jirka Wiilka Aadanaha oo aadna cabtaan dhiigiisa, nolol idin kuma jirto. 54Mid walboo jirkeyga cunaa oo dhiigeygana cabaa wuxuu heli doonaa nolosha weligeed ah, waana soo sarakicin doonaa maalinta ugu dambeysa. 55Waayo jirkeygu waa cunto run ah oo dhiigeyguna waa cabitaan run ah. 56Mid walboo jirkeyga cunaa oo dhiigeygana cabaa wuu igu jiri doonaa Aniguna waan ku jiri doonaa. 57Sida uu Aabaha nool ii soo diray waxaan u noolahay waa dartiis, sidoo kale kan aniga i cunaa dartey ayuu u noolaan doonaa. 58Tani waa kibistii ka timid jannada. Awoowayaashiina waxey cuneen maannada weyna dhinteen, laakiin mid walboo kibistaan cuna weligiis ayuu noolaan doonaa.” 59Ciise wuxuu hadalkan yiri isaga oo dadka wax ku baraya sunagoggii ku yaalay Kafarna’um.
Xer badan ayaa Ciise ka tageen
60Waxyaalahan markey maqleen xertiisi waxey yiraahdeen, “Tani waa waxbarid adag. Yaa qaadan kara?”
61Ciise wuxuu ogaaday in xertiisuna ka gunuunacayaan arintan, markaas ayuu iyaga ku yiri, “Arintan ma idin dhibtay? 62Maxaa dhici doona haddii aad aragtaan Wiilka Aadanaha oo u laabanaya halkii uu ka yimid? 63Ruuxa ayaa nolol dadka siiya, laakiin xoogga binu aadanka waxba ma awoodo. Hadaladaan idin kula hadlay waxey leeyihiin Ruuxa nolosha dadka siiya. 64Laakiin qaarkiin ima aaminin weli.” Maxaa yeelay Ciise horey ayuu u ogaa kan aan aamini doonin iyo kan isaga gacangelin doona. 65Hadalkii ayuu sii watay isaga oo leh, “Sababtan darteed ayaan idiin iri qofna ma ii imaan doono haddii uusan Aabuhu u ogolaan.”
66Waqtigaas laga bilaabo kuwa badan oo xertiisa ka mid ah ayaa ka tagay iyagoo iska daayay iney isaga raacaan.
67Markaas ayuu Ciise weydiiyay laba iyo tobankii xertiisa ahaa oo ku yiri, “Idinkuna ma tagi rabtaan?”
68Simoon Butros ayaa u jawaabay oo yiri, “Rabbiyow, yaan u tagaynaa? Waxaad haysaa ereyada nolosha weligeed ah. 69Waxaan aaminnay inaad tahay Kan Quduuska Illaahey ah.”
70Kadib Ciise ayaa xertiisi ku yiri, “Aniga ayaa idinkan laba iyo tobanka ah idin doortay laakiin mid idin ka mid ah waa ibliis!” 71Ciise wuxuu ka hadlayay Yuudas ina Simoon Iskariyod. Mid laba iyo tobankii xertiisa ahayd ka tirsanaa, kaasoo gacangelin doona.