1
Yooxanaa 10:10
Ereyga Illaahey Axdiga Cusub
Balse tuugu wuxuu u yimaadaa inuu wax xado oo dilo oona burburiyo. Laakiin anigu waxaan u imid si qof walba uu nolol u helo, oo ey nolol buuxdo u lahaadaan.
Karşılaştır
Yooxanaa 10:10 keşfedin
2
Yooxanaa 10:11
“Waxaan ahay arijirka wanaagsan. Arijirka wanaagsanna wuxuu naftiisa u bixiyaa idaha dartood.
Yooxanaa 10:11 keşfedin
3
Yooxanaa 10:27
Waayo idahaygu codkeyga ayey maqlaan, waan garanayaa iyaguna wey i raacayaan.
Yooxanaa 10:27 keşfedin
4
Yooxanaa 10:28
Waxaan iyaga siiyaa nolosha weligeed ah, weligoodna ma lumi doonaan. Qofna iyaga gacanteyda kama saari karo.
Yooxanaa 10:28 keşfedin
5
Yooxanaa 10:9
Waxaan ahay albaabka, mid walboo aniga xaggeyga kasoo gala wuu badbaadi doonaa. Wey soo gali doonaan oo wey bixi doonaan daaqna wey heli doonaan.
Yooxanaa 10:9 keşfedin
6
Yooxanaa 10:14
“Waxaan ahay arijirka wanaagsan, waan garanayaa idahayga oo iyaguna wey i garanayaan.
Yooxanaa 10:14 keşfedin
7
Yooxanaa 10:29-30
Aabahayga iyaga i siiyay ayaa wax kasta ka awood badan. Qofna iyaga gacanta Aabahay kama saari karo. Aniga iyo Aabuhu waxaan nahay hal.”
Yooxanaa 10:29-30 keşfedin
8
Yooxanaa 10:15
Sida Aabahay ii garanayo aniguna waan garanayaa Aabahay. Nafteyda ayaan u bixinayaa idahayga.
Yooxanaa 10:15 keşfedin
9
Yooxanaa 10:18
Qofna igama qaadan karo, laakiin aniga ayaa raali ka ah inaan bixiyo. Waxaan leeyahay awood aan ku bixiyo iyo awood aan ku qaato. Amarkaasna waxaan ka helay Aabahay.”
Yooxanaa 10:18 keşfedin
10
Yooxanaa 10:7
Sidaa darteed Ciise wuxuu yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, waxaan ahay albaabka idaha.
Yooxanaa 10:7 keşfedin
11
Yooxanaa 10:12
Kan meesha shaqada laga siiyay ma aha sida arijirka oo idana meesha kuma laha. Markii uu yeeyda oo imaaneysa arkana wuu ka cararaa idihii oo kaligood ayuu halkaas ku daayaa. Kadibna yeeydii wey weerartaa idihii oo wey kala yaacisaa.
Yooxanaa 10:12 keşfedin
12
Yooxanaa 10:1
Ciise ayaa yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay Farrisiintiyow, mid walboo aanan xerada idaha albaabka kasoo galin ee meel kale kasoo fuula, kaasi waa tuug iyo mid wax dhaca.
Yooxanaa 10:1 keşfedin
Ana Sayfa
Kutsal Kitap
Okuma Planları
Videolar