Yooxanaa 13
13
Ciise oo cagaha xertiisi u dhaqay
1Iiddii Kormaridda ka hor, Ciise wuu ogaa in waqtigii uu aduunkan ka tagi lahaa oo Aabaha u tagi lahaa la gaaray. Siduu u jeclaa xertiisi dunidan joogtay, ayuu u jeclaa illaa dhamaadkii.
2Waxaa la joogay waqtigii cashada la cuni lahaa, ibliiskiina mar hore ayuu Yuudas Iskariyod qalbigiisa galay, kii ahaa ina Simoon Iskariyod kaasoo Ciise gacangelin doona. 3Ciise wuu ogaa in Aabuhu isaga siiyay awood uu wax walba ku sameeyo, iyo inuu Illaahey ka yimaaday oo Illaahey u laabanayo. 4Sidaa darteed intuu cashadii ka kacay ayuu dharkii uu kor ka gashnaa iska siibay oo dhexda ku xirtay shukumaan. 5Kadib intuu biyo weel ku shubay ayuu bilaabay inuu xertiisi cagaha ka dhaqo. Wuxuuna ku qalajinaayay shukumaankii uu dhexda ku xirnaa.
6Ciise wuxuu u yimaaday Simoon Butros kaasoo ku yiri, “Sayidow, miyaad dooneysaa inaad cagaheyga dhaqdo?”
7Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Hadda ma ogaan kartid waxyaalahan sameynayo, laakiin hadhow ayaad ogaan doontaa.”
8Butrosna wuxuu ku yiri, “Maya, waa in aadan cagaheyga dhaqin.”
Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Haddaanan cagahaaga dhaqin weligaa igama mid noqoneysid.”
9Markaas ayaa Simoon Butros ugu jawaabay, “Rabbiyow cagaheyga kaliya ha dhaqine xitaa gacmaheyga iyo madaxeygana sidoo kale ii dhaq!”
10Ciise ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Kuwii horey u soo qubeystay waxa kaliya oo ey u baahanyihiin waa in cagaha laga dhaqo. Waayo jirkooda oo dhan waa nadiif, adiguna nadiif ayaad tahay, inkastoo kuligiin eydan nadiif wada ahayn.” 11Waayo wuu ogaa kan isaga gacangelin doona, sidaa darteed ayuu u yiri, kuligiin nadiif ma wada tihiin.
12Goortii uu dhameeyay inuu cagahooda dhaqo, ayuu dharkiisi gashaday oo ku laabtay halkii uu fadhiyay. Markaas ayuu iyagii weydiiyay, “Miyaad fahanteen waxaan idiin sameeyay? 13Waxaad igu wacdaan ‘Macalinow’ iyo ‘Rabbiyow,’ waana runtiin oo waan ahay. 14Haddaba aniga oo ah Rabbigiina iyo macalinkiina cagahiina ayaan dhaqay, idinkuna waa inaad sidoo kale cagaha isu dhaqdaan. 15Waxaan idiin noqday tusaale, idinkuna waa inaad sameysaan sidii aan aniga idiin sameeyay oo kale. 16Runtii waxaan idin ku leeyahay, adeeguhu kama weyna sayidkiisa, fariinsidana kama weyna kii soo diray. 17Haddaba waad garaneysaan waxyaalahan, haddaad sameysaanna waad barakoobi doontaan.
Ciise wuxuu sii sheegay in la dafiri doono
18 “Idinka oo dhan kama hadlayo, waan ogahay kuwa aan doortay. Laakiin tani waxey oofineysaa qorniinka dhahaya, ‘Kii aan kibistayda la qeybsaday ayaa iga soo hor jeestay.’
19 “Haddaba inta eysan waxyaalahan dhicin ka hor ayaan idiin sheegayaa si markey dhacaan aad u aamintaan inaan ahay Masiixa. 20Runtii runtii waxaan idin ku leeyahay, mid walboo aqbala kan aan soo diray aniga ayuu i aqbalay. Mid walboo i aqbalana wuxuu aqbalay kan isoo diray.”
21Ciise goortii uu waxyaalahan yiri kadib aad ayuu ruuxiisi uga xumaaday, wuxuuna yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, midkiin ayaa i gacangelin doona.”
22Xertiisi ayaa is fiiriyeen iyagoo aan garaneyn qofka uu ka hadlayo. 23Mid xertii ka mid ahaa oo Ciise aad u jeclaa ayaa agtiisa fadhiyay. 24Sidaa darteed Simoon Butros gacantiisa intuu taagay ayuu ninkii xerta ahaa oo Ciise jeclaa ku yiri, “Bal weydii qofka uu ka wado.”
25Sidaa darteed intuu ku tiirsaday Ciise ayuu weydiiyay, “Sayidow, kaasi yaa waaye?”
26Ciisana wuxuu ku jawaabay, “Waa kan aan siin doono jabkan kibista ah marka aan baaquliga quusiyo.” Kadib markii uu kibistii quusiyay baaquliga ayuu siiyay Yuudas, kaasoo ahaa ina Simoon Iskariyod. 27Isla markii uu Yuudas kibistii cunay ayaa Shaydaanku galay.
Markaas ayaa Ciise isaga ku yiri, “Maxaad sugeysaa, dhakhso bax oo samee wixii aad sameyn lahayd.” 28Laakiin kuwii halkaas ku casheynayay midkoodna ma fahmin waxyaalihii uu Ciise yiri. 29Yuudas ayaa kiishadii lacagta hayay sidaa darteed qaarkood waxey u maleeyeen Ciise inuu ku dhahayo soo gad waxyaalahii dabaaldaga looga baahnaa. Ama inuu lacagta qaarkeed masaakiinta ka siiyo. 30Yuudas isla markii uu kibistii cunay ayuu baxay iyadoo ey weli habeen tahay.
Ciise wuxuu sii sheegay Butros inuu dafiri doono
31Yuudas markii uu tagay, Ciise wuxuu yiri, “Haddaba Wiilka Aadanaha waa la ammaanay Illaaheyna isaga ayuu la ammaanmay. 32Haddii uu Illaahey ammaanta Wiilka dartiis ku helay, mar dhowna wuu ammaani doonaa Wiilka.
33 “Caruurteydiyow xoogaa yar ayaan idin la joogi doonaa. Waadna i raadin doontaan, laakiin sida aan Yuhuudda u sheegay oo kale ayaan idinkana idiin sheegayaa. Halkan u socdo ma imaan kartaan.
34 “Waxaan idin siinayaa amar cusub. Is jeclaada, sida aan idinka idiin jeclaaday, sidaa darteed waa inaad is jeclaataan. 35Haddii aad is jeclaataan, qof walba wuu ogaan doonaa inaad tihiin xerteyda.”
36Simoon Butros ayaa Ciise weydiiyay, “Rabbiyow, halkeed u socotaa?”
Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Halkan u socdo ima raaci kartid hadda, laakiin waqti dambe ayaad igu soo biiri doontaa.”
37Markaas ayaa Butros ku yiri Ciise, “Sayidow, maxaanan hadda kuu raaci karin? Waayo nolosheyda ayaan kuu bixinayaa.”
38Kadibna Ciise wuxuu ugu jawaabay, “Runtii miyaad noloshaada ii bixin doontaa? Runtii waxaan kugu leeyahay, inta uusan diiqu ciyin ka hor saddex mar ayaad i dafiri doontaa!
Seçili Olanlar:
Yooxanaa 13: EI
Vurgu
Paylaş
Kopyala
Önemli anlarınızın tüm cihazlarınıza kaydedilmesini mi istiyorsunuz? Kayıt olun ya da giriş yapın
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.