Yooxanaa 5

5
Ciise oo bogsiiyay nin xanuusan
1Muddo kadib Ciise wuxuu Yeruusaalem u tagay dabaaldeg ey Yuhuudda dabaaldegayeen. 2Magaalada Yeruusaalem meel u dhow oo la yiraahdo albaabka idaha waxaa ku yaalay barkad biyo ah oo af Cibraani lagu dhaho Beytesda. Waxaana lagu wareejiyay shan balbalo. 3Halkaas waxaa joogay dad badan oo xanuusan, kuwaas oo indhoole ah, curyaamo ah oo meesha berkeda biyaha ah jiifay. [4Maxaa yeelay malaa’igta Rabbiga ayaa biyaha kusoo degi jirtay oo walaaqi jirtay, kadibna midka ugu horeeya ee biyaha galaa wuu ka bogsan jiray cuduradiisa oo dhan.]#5:4 Qoraallada qaar ma laha aayadda 4. 5Berkedaas agteeda waxaa joogay nin soddon iyo siddeed sano xanuusanaa. 6Ciise markaas ayuu arkay isaga oo meesha jiifa, wuxuuna ogaaday inuu muddo dheer xaaladdan ku jiray, markaas ayuu ninkii weydiiyay, “Miyaad dooneysaa inaad bogsato?”
7Ninkii ayaa ku jawaabay, “Rabbiyow, ma lihi qof i caawiya si aan u galo barkadaan markii la walaaqo. Marka aan isku dayo inaan galo qof kale ayaa iga hor gala.”
8Ciise ayaa ku yiri, “Istaag! Derintaada qaado oo soco.” 9Isla markii ayuu ninkii bogsaday, derintiisa intuu qaatay ayuu socday.
Maalintii ey waxyaalahan dhacayeen waxey ahayd maalin Sabti ah. 10Markaas ayaa Yuhuuddii ninkii la bogsiiyay ku yiraahdeen, “Waa maalin Sabti ah, sharciga ma kuu ogola inaad derintaada qaadatid.”
11Markaas ayaa ninkii ugu jawaabay, “Laakiin ninka i bogsiiyay ayaa igu yiri, ‘Derintaada qaado oo soco.’  ”
12Markaas ayaa kuwii Yuhuudda ahaa weydiiyeen, “Yaa waaye ninka kugu yiri, derintaada qaado oo soco?”
13Laakiin ninkan la bogsiiyay ma ogayn Ciise qofka uu yahay, Ciisana dadkii badnaa ayuu dhex maray oo tagay.
14Muddo kadib ayaa Ciise ninkii ku arkay macbadka oona ku yiri, “Haddaba waad bogsatay, mar kalana dembi ha galin haddii kale wax xun ayaa kugu dhici doona.” 15Markaas ayaa ninkii intuu baxay u soo sheegay hogaamiyayaashii Yuhuudda in qofka isaga bogsiiyay uu yahay Ciise.
Awoodda Wiilka.
16Sidaa darteed hogaamiyayaashii Yuhuudda waxey bilaabeen iney Ciise silciyaan. Maxaa yeelay isagu waxyaalahan oo dhan wuxuu sameynayay maalinta Sabtida. 17Laakiin Ciise isaga oo is difaacaya ayuu yiri, “Aabahay maalin walba shaqadiisa ayuu hayaa, oo aniguna waan shaqeynayaa.” 18Haddaba sababtan ayey u doonayeen iney dilaan. Sababta ugu horeysa ma aha kaliya inuu sharciga Sabtida jabiyay, tan labaadna wuxuu yiri Illaahey ayaa Aabahay ah, isaga oo Illaah isku mid iskala dhigay.
19Ciise ayaa ugu jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, Wiilka kaligiis wax ma sameyn karo. Wuxuu sameeyaa oo kaliya wixii uu ka arko aabihiis oo sameynaya, maxaa yeelay wax walboo Aabaha uu sameeyo Wiilkana sidoo kale wuu sameeyaa. 20Waayo Aabuhu wuu jecel yahay Wiilka sidaa darteed wuxuu tusaa waxyaalaha uu isaga sameeyo. Xitaa shaqo kuwan ka waaweyn ayuu tusi doonaa, si aad idinku ula yaabtaan. 21Sida uu Aabaha kuwa dhintay u sarakiciyo oo nolol u siiyo, sidaa oo kale ayuu Wiilkana u siiyaa nolol kan uu isaga rabo inuu siiyo. 22Aabuhu qofna ma xukumo laakiin wuxuu Wiilka ka dhigay garsooraha dadka oo dhan. 23Si dadka oo dhan u xushmadeeyaan Wiilka sida ey Aabaha u xushmeeyaan oo kale. Waayo mid walboo aan Wiilka xushmeynin ma xushmeeyo Aabaha isaga soo diray.
24 “Runtii waxaan idin ku leeyahay, mid walboo hadaladeyda maqla oo aamina kan isoo diray wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, mana la xukumi doono waayo wuu ka baxay dhimashada wuxuuna helay nolol. 25Runtii waxaan idin ku leeyahay, waqti ayaa soo socda waana la gaaray kaasoo kuwii dhintay maqli doonaan codka Wiilka Illaahey oo kuwa maqlana wey noolaan doonaan. 26Aabuhu wuxuu leeyahay awood uu qof nolol ku siiyo, awoodaas oo kale ayuu Wiilkana siiyay. 27Wuxuu kale oo siiyay awood uu dadka ku xukumo waayo isagu waa Wiilka Aadanaha.
28 “Arintan ha la yaabina, waayo waqti ayaa soo socda oo ey kuwa xabaasha ku jira isaga codkiisa maqli doonaan. 29Waxeyna kasoo bixi doonaan qabriga, mid walboo wax wanaagsan sameeyay nolol ayaa loo soo sarakicin doonaa. Mid walboo xumaan sameeyana xukun ayaa loo soo sarakicin doonaa. 30Keligey waxba ma sameyn karo, Aabaha isoo diray ayaa ii sheegay sida dadka loo xukumo. Xukunkeygu waa xaq, waayo waan adeecaa kan isoo diray.
Marqaatifurka ku saabsan Ciise
31 “Haddaan isku marqaatifuro, marqaatifurkeygu run ma aha. 32Waxaa jira mid kale oo ii marqaatifura, waana ogahay in marqaatifurkiisu uu run yahay.
33 “Waxaad fariin wadayaal u soo dirtay Yooxanaa wuuna ka marqaatifuray runta. 34Mana aha inaan u baahanahay marqaatifurka binu aadanka, laakiin waan idiin sheegay si aad u badbaadaan. 35Yooxanaa wuxuu ahaa sida feynuus iftiin idin siisa. In muddo ah ayaad ku faraxdeen iftiinkiisa.
36 “Laakiin marqaatifur kii Yooxanaa ka weyn ayaan haystaa. Shaqadii Aabuhu i siiyay inaan dhameeyo, shaqooyinkaas oo aan hadda sameynayo taas oo Aabuhu uu ii soo diray inaan sameeyo ayaa ii marqaatifuri doonta. 37Xitaa Aabaha isoo diray ayaa ii marqaatifuray, weligiinna codkiisa ma eydan maqlin oo mana eydan arkin qaabkiisa. 38Ereygiisuna ma idin ka dhex shaqeynin, waayo idinku ma aaminin kan uu isaga soo diray. 39Waxaad akhrisaan qorniinka waayo waxaad u maleysaan inaad iyaga ka heleysaan nolosha weligeed ah. Waana isla Qoraallada ii marqaatifuraya. 40Laakiin waad diideen inaad ii timaadaan oo aad lahaataan nolosha weligeed ah.
41 “Ammaan kama sugo binu aadanka, 42laakiin waan idin aqaanaa. Waayo jaceylka Illaahey qalbigiina kuma jiro. 43Waxaan ku imid magaca Aabahay, mana i aqbalin, laakiin qof kale haddii uu ku yimaado magaciisa waad aqbali doontaan. 44Sidee ayaad ku aamineysaan haddaad ammaan ka sugeysaan saaxiibadiin oo aadan raadinin ammaanta ka timaada Illaahey kaliya?
45 “Laakiin ha u maleynina inaan idin ku eedeyn doono Aabaha hortiisa. Qofka idin eedeeyaa waa Muuse, kan aad rajadiina saarateen. 46Haddaad Muuse aaminsan tihiin, anigana waad i aamini lahaydeen, waayo waxyaalo igu saabsan ayuu qoray. 47Laakiin haddii eydan aaminsaneyn wuxuu qoray sidee ayaad ku aamineysaan waxyaalahan idin dhahay?”

Seçili Olanlar:

Yooxanaa 5: EI

Vurgu

Paylaş

Kopyala

None

Önemli anlarınızın tüm cihazlarınıza kaydedilmesini mi istiyorsunuz? Kayıt olun ya da giriş yapın