የYouVersion አርማ
የፍለጋ አዶ

Matayos 4

4
Ibliis ayaa isku dayay inuu Ciise tijaabiyo
1Ruuxa Quduuska ah ayaa Ciise u hogaamiyay cidlada si ibliisku u jarribo. 2Kadib markii uu soomanaa afartan maalmood iyo afartan habeen ayuu aad u gaajooday. 3Markaas ayaa jarribihii u yimid oo ku yiri, “Haddaad Wiilka Illaahey tahay, ku dheh dhagaxyadaan kibis noqda.”
4Ciise ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Wey qoran tahay, ‘Binu aadanku waa in uusan kibis kaliya ku noolaanin, laakiin erey walboo Illaahey afkiisa kasoo baxa.’ ”
5Kadib ibliiskii ayaa u kaxeeyay magaalada quduuska ah wuxuuna kor istaajiyay darbigii ugu dheeraa ee macbadka, 6wuxuuna ku yiri, “Haddaad Wiilka Illaahey tahay meeshan iska tuur. Waayo wey qoran tahay,
“ ‘Illaahey wuxuu kuu amri doonaa malaa’igtiisa,
oo gacmahooda ayey kugu qaban doonaan,
si eysan cagtaadu dhagaxa ugu dhicin.’ ”
7Ciise ayaa ugu jawaabay, “Sidoo kale wey qorantahay, ‘Ha jarribin Rabbiga Illaahaaga ah.’ ”
8Ugu dambeyntii Ibliiskii wuxuu Ciise kor saaray buur aad u dheer, wuxuuna tusay boqortooyada aduunka oo dhan iyo hantida taala. 9Wuxuuna ku yiri, “Waxan oo dhan waan ku siin doonaa haddaad ii sujuudo oo aad i caabudo.”
10Ciise ayaa ugu jawaabay oo ku yiri, “Iga fogow, Shaydaan yahow! Waayo wey qoran tahay, ‘Waa inaad caabudid Rabbiga Illaahaaga ah oo aadna kaligiis u adeegtid.’ ”
11Kadib ibliiskii wuu ka tagay Ciise, waxaana u yimid malaa’ig oo caawisay.
Ciise oo bilaabay inuu wacdiyo
12Ciise markii uu maqlay in Yooxanaa xabsi la galiyay ayuu Galili aaday. 13Marka hore wuxuu tagay Naasared kadibna wuxuu kasii aaday oo degay Kafarna’um, taas oo ku taalay warta Galili agteeda soohdinta Sebulun iyo Naftaali. 14Si looga dhabeeyo wixii kitaabkii nebi Isayos lagu sheegay,
15“Dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali,
jidka badda, webi Urdun shishadiisa,
Galili dhulka ey ku nool yihiin dad aan Yuhuud ahayn.
16Inkastoo ey dadkiinu mugdi ku noolaayeen,
waxey arkeen iftiin weyn.
Inkastoo ey ku noolaayeen hooska dhimashada,
iftiin ayaa u ifay.”
17Haddaba Ciise wuxuu bilaabay inuu wacdiyo, isaga oo leh, “Toobadkeena, waayo boqortooyada jannada wey soo dhawaatay.”
Ciise oo doortay xertiisi ugu horeysay
18Ciise oo ag maraya badda Galili ayaa arkay laba walaalo ah, mid wuxuu ahaa Simoon oo loo yaqaanay Butros kan kalana wuxuu ahaa Andaros. Waxey badda ku tuurayeen shabaag waayo waxey ahaayeen kalluumaysato. 19Ciise ayaa ku yiri, “Kaalaya oo isoo raaca, waxaan idin ka dhigi doonaa kuwa dadka jillaabta.” 20Isla markiiba intey shabaagyadoodi ka tageen ayey Ciise raaceen.
21Markii uu meeshaas ka tagay wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, waxeyna kala ahaayeen Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa. Waxey aabahood la saarnaayeen doon waxeyna hagaajinayeen shabaagyadooda. Ciise ayaa iyagana sidoo kale u yeeray, 22isla markiiba intey doontii iyo aabahoodba ka tageen ayey Ciise raaceen.
Ciise oo bogsiiyay dad xanuusan
23Ciise wuxuu dhex maray Galili oo dhan, isaga oo sunagogyadooda wax ku baraya oo ku wacdinaya warka wanaagsan ee boqortooyada Illaah, bogsiinayana cudur walba ee dadka dhexdooda ka jiray. 24Warka Ciise ku saabsan ayaa ku faafay Suuriya oo dhan, dadkuna waxey u keeneen dhamaan kuwii cudurada kala duwan qabay, kuwii la rafaadsanaa xanuunka daran, kuwii ruuxyada wasakhda leh qabay, kuwii suuxdinta qabay iyo kuwii curyaanka ahaa, kuligoodna wuu bogsiiyay. 25Dad badan oo ka kala yimid Galili, Dekabolis, Yeruusaalem, Yahuudiya iyo agagaarka webiga Urdun ayaa Ciise raacay.

Currently Selected:

Matayos 4: EI

ማድመቅ

Share

Copy

None

ያደመቋቸው ምንባቦች በሁሉም መሣሪያዎችዎ ላይ እንዲቀመጡ ይፈልጋሉ? ይመዝገቡ ወይም ይግቡ