Matayos 3

3
Yooxanaa Baabtiisaha oo jidka sii diyaarinaya
1Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha oo ka wacdinaya cidladii Yahuudiya. 2Isaga oo leh, “Toobadkeena, waayo boqortooyada jannada wey soo dhawaatay.” 3Yooxanaa waa kii uu nebi Isayos ka hadlay isaga oo leh,
“Codka kan cidlada ka dhawaaqaya oo leh,
‘Rabbiga jidka u hagaajiya,
waddooyin toosan isaga u sameeya.’ ”
4Dharka Yooxanaa waxey ka sameysnaayeen dhogorta geela, dhaxdana waxaa ugu xirnaa suun maqaar ah. Wuxuuna cuni jiray anyax iyo malab duureed. 5Dadku waxey uga kala imaanayeen Yeruusaalem, Yahuudiya oo dhan iyo waddanka Urdun. 6Dembiyadooda markey qirtaanna wuxuu ku baabtiisayay webi Urdun.
7Laakiin Yooxanaa markii uu arkay qaar badan oo ka mid ah Farrisiinta iyo Sadukiinta oo imaanaya meeshii uu dadka ku baabtiisayay ayuu ku yiri, “Idinkan sharta leh sida abeesooyinka! Yaa idin kaga digay inaad ka carartaan carada Illaah ee imaaneysa? 8Noloshiina ha laga arko inaad toobadkeenteen. 9Hana is dhihina, ‘Ibraahim ayaa awoowgeen ah oo Illaahey nama ciqaabi doono.’ Waayo waxaan idin ku leeyahay Illaahey dhagaxyadaan dhexdooda ayuu caruurta Ibraahim kasoo saari karaa. 10Haddaba faasku wuxuu yaalaa geedaha salkooda, geed walboo aan mirro fiican dhalinna waa la goyn doonaa oo dabka ayaa lagu tuuri doonaa.
11“Waxaan ku baabtiisaa biyo kuwa dembiyadooda ka toobadkeena. Laakiin waxaa iga daba imaan doona mid iga awood badan, mid aanan xitaa anigu istaahilin inaan kabahiisa u qaado. Wuxuu idin ku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab. 12Masaftiisa gacantiisa ayuu ku wataa, meesha wax lagu tumana wuu nadiifin doonaa, isaga oo sarreenkiisa maqsinka ku guraya buunshadana ku gubaya dab aan damayn.”
Baabtiiskii Ciise
13Ciise wuxuu ka tagay Galili wuxuuna aaday webi Urdun si uu Yooxanaa isaga u baabtiiso. 14Laakiin Yooxanaa wuxuu isku dayay inuu diido isaga oo leh, “Aniga ayaa u baahan inaad i baabtiisto. Maxaad iigu timid?”
15Ciise ayaa ugu jawaabay, “Hadda waa inaad ogolaataa, waayo waa inaan oofiyo waxa xaqa ah ee uu Illaahey naga rabo.” Markaas ayuu Yooxanaa ogolaaday inuu Ciise baabtiiso.
16Markii Ciise la baabtiisay ee uu biyaha kasoo baxay, isla markiiba samada ayaa furantay wuxuuna arkay Ruuxa Illaahey oo ugu soo degaya sidii qoolley oo kale. 17Oo cod ayaa samada ka dhawaaqay oo yiri, “Kani waa Wiilkeyga aan jeclahay, oo waan ka raali noqday.”

اکنون انتخاب شده:

Matayos 3: EI

های‌لایت

به اشتراک گذاشتن

کپی

None

می خواهید نکات برجسته خود را در همه دستگاه های خود ذخیره کنید؟ برای ورودثبت نام کنید یا اگر ثبت نام کرده اید وارد شوید