YouVersion Logo
Search Icon

Yooxanaa 16

16
1 “Waxaan waxyaalahaas idin kula hadlay si eydan u lumin. 2Sunagogga ayey idin ka saari doonaan, xitaa waqti ayaa imaanaya oo mid walboo idin dila uu u maleynayo inuu Illaahey u adeegayo. 3Waxey waxyaalahan u sameynayaan waayo ma garanayaan Aabaha iyo anigaba. 4Waxaan waxyaalahan idin kula hadlayaa in markii uu waqtigu yimaado aad xusuusataan inaan idinkaga digay waxyaalahan. Ma idiin sheegin mar hore waayo waan idin la joogay. 5Laakiin hadda waxaan u socdaa kii isoo diray. Mana jiro mid idin ka mid ah oo i weydiiyay, ‘Halkeed u socotaa.’ 6Laakiin qalbigiina murug ayaa ka buuxsantay markaan waxyaalahan idiin ku iri. 7Laakiin runtii waxaan idin ku leeyehay, wey idiin roontahay inaan tago. Ilaa aan ka tago gargaaruhu idiin ma imaanayo, laakiin haddaan tago waan idiin soo diri doonaa. 8Markii uu yimaado wuxuu aduunka u cadayn doonaa iney ku qaldanyihiin waxa ku saabsan dembiga, xaqnimada iyo xukunka. 9Xaga dembiga, waayo dadku ima aaminin. 10Xaga xaqnimada, waayo waxaan u socdaa Aabaha oo mana i arki doontaan. 11Xaga xukunka, waayo kan aduunka xukuma hadda waa la xukumay.
12 “Waxyaalo badan ayaan rabaa inaan idiin sheego, laakiin ma qaadan kartaan. 13Markii uu Ruuxa runta ah yimaado, wuxuu idin ku hogaamin doonaa waxyaalaha runta ah oo dhan. Isagu iskama hadli doono, wuxuu ku hadli doonaa wuxuu maqlo oo kaliya, wuxuuna idiin sheegi doonaa waxyaalaha soo socda. 14Wuuna i ammaani doonaa waayo aniga ayuu iga helaa waxyaalaha uu idin la wadaagi doono. 15Wax walboo Aabuhu iska leeyahay aniguna waan la leeyahay. Sidaa darteed ayaan u yiri, Ruuxa ayaa idiin sheegi doonaa wax walboo uu iga helo.”
Murugada xerta waxey isku beddeli doontaa farxad
16Ciise hadalkii ayuu sii watay oo yiri, “In yar kadib ma i arki doontaan, in yar kadibna waad i arki doontaan.”
17Qaar xertiisi ka mid ah ayaa is weydiiyeen, “Muxuu ka wadaa markii uu yiri, ‘In yar kadib ma i arki doontaan, oo in yar kadibna waad i arki doontaan, waayo waxaan u socdaa Aabahay?’  ” 18Weli wey isa sii weydiiyeen iyagoo leh, “Bal muxuu ka wadaa markii uu yiri, ‘In yar kadib’? Ma fahmayno wuxuu leeyahay.”
19Ciise markii uu ogaaday iney isaga weydiin rabeen waxa ku saabsan arintaas ayuu iyaga ku yiri, “Miyaad dhexdiina iska weydiineysaan waxaan ka wado markaan iri, ‘In yar kadib ima arki doontaan, oo in yar kadibna waad i arki doontaan’? 20Runtii waxaan idin ku leeyahay, waad ooyi doontaan oo waad barooran doontaan markey dunidu farxayso. Waad murugoon doontaan laakiin murugadiina waxaa loo beddeli doonaa farxad. 21Naagta cunugga dhaleysa xanuun ayey dareentaa waayo waqtigeeda ayaa la gaaray, laakiin cunuggu markii uu dhasho wey iloobeysaa rafaadkii ey soo martay waayo waxey ku farxeysaa cunugga ey aduunka keentay. 22Idinkuna xitaa waa sidaas oo kale, hadda waa waqtigiini murugada, laakiin waan idin arki doonaa idinka oo faraxsan. Qofna farxadaas ma idin ka qaadi doono. 23Maalintaas waxba ma i weydiin doontaan. Runtii waxaan idin ku leeyahay, Aabahay wuu idin siin doonaa wax walboo aad magaceyga ku weydiisataan. 24Ilaa hadda waxba magaceyga kuma weydiisanin. Weydiista waadna heli doontaan, farxadiinuna wey buuxsami doontaa.
25 “Waxyaalahan tusaale ayaan idiin kula hadlay, laakiin waqti ayaa imaan doona oo aanan tusaale isticmaali doonin, oo aan si caddaan ah waxa Aabaha ku saabsan idiin ku sheegi doono. 26Maalintaas magaceyga ayaad ku weydiisan doontan. Mana dhihi doono Aabaha ayaan idiin weydiinayaa. 27Maya, Aabuhu wuu idin jecel yahay waayo waad i jeclaateen oo weliba waad aaminteen inaan ka imaaday Illaahey. 28Waxaan ka imaaday Aabaha oo aduunka ayaan soo galay, haddana aduunka waan ka tagayaa oo Aabaha ayaan u laabanayaa.”
29Kadibna xertii Ciise ayaa tiri, “Hadda si fasiix ah oo aan tusaalo lahayn ayaad u hadleysaa. 30Hadda waan ogaanay inaad wax walba garaneysid, su’aalna kuma weydiineyno. Arintaas darteed ayaan u aaminnay inaad Illaahey ka timid.”
31Ciise ayaa ugu jawaabay, “Haddaba miyaad aaminteen? 32Waqti ayaa soo socda, waana la gaaray markaas oo aad kala firdhismi doontaan, qof walbana uu gurigiisi aadi doono. Kaligey ayaad iga tagi doontaan. Inkastoo aanan kaligey ahayn, waayo Aabahay ayaa ila jira.
33 “Waxaan waxyaalahan idin kugu sheegay waa inaad nabad igu dhex lahaataan. Dunidan dhib ayaad la kulmi doontaan, laakiin dhiiranaada! Waayo aduunka waan ka adkaaday.”

Currently Selected:

Yooxanaa 16: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in