Yooxanaa 17
17
Baryadii Ciise
1Kadib markii uu yiri waxyaalahan oo dhan, Ciise intuu samada fiiriyay ayuu duceystay isaga oo dhahaya,
“Aabow waqtigii wuu yimaaday. Ammaan Wiilkaaga, si uu Wiilkaagu kuu ammaano. 2Waayo waxaad siisay awood ka sareysa dadka oo dhan, si uu nolosha weligeed ah u siiyo mid walba ee aad isaga siisay. 3Haddaba tani waa nolosha weligeed ah, si ey u gartaan, Illaaha kaliya ee runta ah, iyo Ciise Masiix kan aad soo dirtay. 4Aduunka ayaan ammaantaada keenay markaan dhameeyay shaqadii aad ii soo dirtay. 5Haddaba Aabow hortaada igu ammaan, ammaantaan kula lahaa inteysan dunidu jirin ka hor.
Ciise wuxuu u duceeyay xertiisi
6 “Waxaan magacaaga u muujiyay kuwii aad aduunka iga siisay. Waxey ahaayeen kuwaagii laakiin waad i siisay weyna adeeceen ereygaaga. 7Haddana wey garanayaan in wax walboo aad i siisay ey adiga kaa yimaadeen. 8Waayo waxaan iyaga siiyay ereyga aad i siisay oo weyna aqbaleen. Runtii wey garteen inaan xaggaaga ka imid, weyna aamineen inaad aniga isoo dirtay. 9Waana u duceynayaa. Aduunka uma duceynayo, laakiin waxaan u duceynayaa kuwa aad aniga i siisay waayo adiga ayaa leh. 10Wax walboo aan leeyahay adiga ayaa leh, wax walboo aad leedahayna aniga ayaa leh. Ammaan ayaa iyaga dartood iigu timid. 11Waqti dheer aduunka ma sii joogayo, laakiin iyagu weli aduunka ayey joogaan. Aniguna waan kuu imaanaya. Aabe Quduusow, ku ilaali xoogga magacaaga, magacaad aniga i siisay, si ey mid u ahaadaan sida aan anaguba mid u nahay. 12Markaan la joogay waan ilaalin jiray iyaga, waxaan iyaga ku hayay magacaad aniga i siisay. Midkoodna ma lumin waxaan ka ahayn kii loogu talagalay inuu lumo maahee si uu qoraalku u rumoobo.
13 “Hadda waan kuu imaanayaa, laakiin waxaan waxyaalahan aniga oo aduunka jooga kuugu leeyahay waa iney iyagu iga helaan farxad buuxda. 14Waxaan iyaga siiyay ereygaaga laakiin aduunka wey nacday iyaga, laakiin iyagu ma aha kuwa aduunka sida aanan anigu xitaa u ahayn kan aduunka. 15Ducadeydu ma aha inaad iyaga aduunka ka saartid, laakiin ducadeydu waa inaad ka ilaalisid kan sharka ah. 16Iyagu kuwa aduunka ma aha sida aanan anigu xitaa u ahayn kan aduunka. 17Runta ereygaaga quduus kaga dhig. 18Sida aad aniga aduunka iigu soo dirtay ayaan anigu xitaa iyaga aduunka ugu diray. 19Nolosheyda sida aan allabariga quduuska ah dartood iskugu bixiyay, si ey iyaguna runta quduus ugu ahaadaan.
Ciise wuxuu u duceeyay masiixiyiinta oo dhan
20 “Iyaga kaliya uma duceynayo. Waxaan u duceynayaa kuwa fariintooda igu aamini doona, 21si ey iyagoo dhan mid u noqdaan. Aabow sida aad aniga iigu jirtid oo aan aniguna kuugu jiro, iney iyaguna nagu jiraan si ey dunidu u aaminto inaad aniga isoo dirtay. 22Waxaan iyaga siiyay ammaantaad aniga i siisay, si ey mid u ahaadaan sida anaga oo kale. 23Aniga oo iyaga ku jira iyo adiga oo igu jira si ey mid u ahaadaan. Kadibna dunidu wey ogaan doontaa inaad aniga isoo dirtay oo aad iyaga u jeclaatay sidaad aniga ii jeclaatay.
24 “Aabow waxaan doonayaa in kuwii aad i siisay ila joogaan halkan joogo, oo ey ammaanteyda arkaan ammaantaad i siisay waayo waxaad i jeclaatay intaan aduunka la abuurin ka hor.
25 “Aabaha xaqa ahaw, inkastoo eysan dunidu ku garaneyn, anigu waan ku garanayaa, iyaguna wey ogyihiin inaad isoo dirtay. 26Magacaaga ayaan iyaga u muujiyay, waana usii muujin doonaa si jaceylkii aad aniga i jeclaatay iyaga ugu jiro oo aan aniguna iyaga ugu jiro.”
Currently Selected:
Yooxanaa 17: EI
Highlight
Share
Copy
![None](/_next/image?url=https%3A%2F%2Fimageproxy.youversionapistaging.com%2F58%2Fhttps%3A%2F%2Fweb-assets.youversion.com%2Fapp-icons%2Fen.png&w=128&q=75)
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.